Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo si cad uga hor yimid go’aankii uu Xaaf ku taageeray Imaaraadka

Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug oo uu soo saaray madaxweynaha ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa looga hor yimid go’aankii kasoo baxay Madaxweyne Axmed Ducaale (Xaaf) ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa war wadajir ah oo ay goor dhow ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa xalay si rasmi ah u sheegay inuu taageeray Xulafada Imaaraadka iyo Sacuudica isla markaasna uu xiriirka u jaray dowladda Qatar.

Lama ogo sababta keentay khilaafkaan iyo haddi markii hore uu go’aankaan ku yimaaday wadatashi iyo ogaal.

Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee isku khilaafa arrintan, taasoo muujineysa in taageerada isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay isu bedeshay xaalad dhaqaale lagu helo oo kicisa xiisado siyaasadeed.