Madaxweyne noocee ah ayey Somalia u baahan tahay sanadkan?

Ummadda Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliyed, oo aan hubo inay ka mid yihiin xildhibaano wadaniyiin ah, waxaan usoo jeedin lahaa oo aad muhim u ah in la helo qaab looga hortagi karo in la Musuq-maasuqa doorashada Madaxweynaha ee dalka ka dhici doonta. Doorashada oo la Musuq-maasuqo waxay la mid tahay dalkii oo la gatay.

Si loo helo doorasho caddaalad u dhaw waa in la dhiso guuddi madax banaan oo ku xiran UN-ka, guddigaas oo shaqadiisu noqonayso la socoshada, diwaangelinta iyo soo gudbinta Murashixiinta ku lugta yeesha arimo la xiriira Musuq-maasuqa doorashada Madaxweynaha.

Murashixiinta Madaxweyne ee haysta dhalashada dalka Mareykanka waxaa ay dowlada dalkaasi siisay digniin ah inay ka dheraadaan

Laaluush ku bixinta kursiga Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Waa in sidoo kale Murashixiinta oo dhan looga digaa inay Laaluush ku doonaan kursiga Madaxtinimo ee dalka. 

Waxaa guddiyada noocaas ah lagu tijaabiyay dalal badan oo la mid ah Soomaaliya oo ay ka shaqeyen waxaa ka mid ah dalka Guatemala oo ay Aafeyeen dagaalo sokeeye muddo dhan 30 sandood iyo doorashoyin la Musuq-maasuqo. Waxaa arinkaan xil ka saaranyahay muwaadin kasta  oo Soomaaliyed, gaar ahaan Aqoonyahanda, Culumaaudiinka iyo Saxaafada si looga hortago doorasho la Musuq-maasuqo.

Waxaa go’aan laga qaadanyo waa Massirkii ummadda Soomaaliyed, dalalka aan lahayn hay’ado ama (institutions) xoog leh sida Soomaaliya, Madaxweynaha la doorto ama wuxuu noqda mid dalka dumiya ama mid dalka dhisa. Waxaan rajeynayaa oo aan ku kalsoonahay inaad shacabka Soomaaliyed ee Raja beelka iyo quusta ku nool aad doorashadaan u doori doontaan Madaxweyne dadka iyo dalka badbaadiya.

Maxaa yeelay Madaxweyne Musuq-maasuq iyo laaluush lagu doortay iyo xildhibaano sidaas ku doortay lagama sugi doono in ay isla xisaab-tamaan oo hayadaha dowlada muhimka u ah 

dhisaan, ilaaliyaan dastuurka dalka isla markaana Musuq-maasuqa la dagalamaan. 

Dalka Soomaaliya oo hada lagu sheego in uu yahay dalka ugu hoseeya oo kaalinta kowaad kaga jira dalalka caalamka xaga Musq-maasuqa waxaa adkaan doonta in dalka la samata bixiyo oo lala dagaalamo 

Musuq-maasuqa Aafeeyay dowladnimada iyo qaranimada dalka, hoosna u dhigay sumcada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Soomaaliyed waa in ay bartaan in ay maal galiyaan ololaha doorashada  (election campaigns) halkii ay lacag galin lahaayeen doorasho la Musuq-maasuqo oo ay laaluushi lahaayen xildhibaanada, taaso sharci daro ku ah diinta Islaamka. 

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com