Faah-faahin: Socdaalka Madaxweyne Xasan ee Mareykanka iyo ujeedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha ayaa ku sii jeeda dalka Maraykanka.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku  gaarayo dalka Maraykanka.

Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya.

Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.

Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo horumarka.

Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

Si kastaba, waxa isna dalka Maraykanka shaley u ambabaxay madaxweynihii hore dowladdii KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasoo ka tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu ku noolaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho