Madaxweyne Xasan oo walaalihiisa uga hiiliyay beesha Xawaadle “Xog”.

Sida aan xog ku helnay beesha Xawaadle ayaa heli doonta mid ka mid ah labaada wasiir ee Beelaha Hawiye kasoo gaari doona xukuumadda cusub.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in is qabsi qabsi xogaan oo uu ku lug lee yahay Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka taagan yahay qofka loo magacaabayo jagadaas.

Beesha Xawaadle ayaa madaxweynaha usoo gudbisay nin aqoonyahan ah oo la shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi oo ay dooneyso in xilkaasi loo magacaabo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ka cago jiiday codsiga beesha, uuna doonayo in wasiir loo magacaabo nin kale oo aqoon yahan ah oo degan dalka Canada.

Ninkaas oo magaciisa aan ku helnay kaliya Cabdirisaaq, ayaa waxaa adeer u ah rag ku hooyo ah madaxweynaha oo kasoo jeeda beesha Xawaadle, oo ayaga oo ka faa’iideysanaya walaaltinamadooda madaxweynaha doonaya in qof ayaga ay wataan xilkaas loo magacaabo.

Haddaadan horey ula socin madaxweynaha hooyadiis waa Xawaadle, waxaana ku hooyo ah rag Xawaadle, Ibraahim Ciise.

Waxa kale oo jira in lafta ay ka dhasheen madaxweynaha walaalihiis aysan helin xildhibaan, taasna ay qiil uga dhiganayaan wasiir doonkooda, madaxweynahana ka dhaadhiciyeen.

Si kastaba illaa iyo hadda waxaa socda wada hadallo u dhaxeeya beesha Xawaadle iyo madaxweynaha si arrintan meel la iskula dhigo, waana arki doonnaa waxa kasoo baxa.