Warbixin: Villa Somalia & Maanta.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

Afhayeenka baarlamaanka Jabuuti ayaa shaley sidoo kale la hadlay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu booqday maanta dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreeyay ee uu afhayeenka baarlamaanka Jabuuti uu yimaado waxaana la mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho