Magaalo caan ah oo muddo bila aan laga isticmaalin Koronto + Sababta

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo magaalada Wajer oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka kenya, ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto Koronto la’aan bil ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka muddo bil ah aysan helin wax Koronto ah, iyadoo ay saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka deegaanka.

Amin Bishar oo ah Madaxa ugu Sareeya Shirkada Korontada ee Kenya power Faracooda Magalada Wajer, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay noolyihiin Koronto la’aan, waxa uuna ku micneeyay cilad.

Waxa uu sheegay inay doonayaan in mar qura lasoo daayo Koronto tayo leh, wuxuuna cadeeyay in dowlada qudheeda ay la socto Koronto la’aanta jirta.

Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday inay la imaanayaan isbedel, isla markaana ay waxbadan ka bedeli doonaan cilada iminka heysata Korontada.

Dowlada Kenya ayaan ahmiyad gaara siinin dadka ku dhaqan deegaanada Gobolada Waqooyi oo iyagu aan helin waxyaabaha aasaasiga oo ay heystaan dadka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com