Mahad Salaad “Xaaf ha ogaado wadadii Guuleed ayuu ku socdaa Villa Soomaaliyana…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug.

Qoraalkaan ayuu Mahad Salaad kaga hadlay waxyaabo badan oo ku aadan Khilafkaan, isagoo Xaaf u sheegay inuu ku socdo wadadii Guuleed uu xilkaan ku waayey, sidoo kalana wuxuu farriin u diray Xarunta laga maamulo dowladda ee Villa Somalia

Qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidaan hoos kaaga muuqdo

GALMUDUG: “Taariikhi ma duugowdo”!

Hada kahor wiil ayaa Aabihiis oo indhala’a waday. Kadibna meel duur ah ayuu inta geeyay oo geed hoostiis fariisiyay uga tagay, Odaygiina meeshii ayuu ku naf waayay!

Mudo kadib wiilkii nin Oday ah ayuu noqday waana indha beelay. Maalin maalmaha ka mid ayaa wiil uu dhalay soo waday, ka dibna meel duur ah ayuu inta geed weyn hoos fariisiyay ku yiri Aabe meeshaan ii fariiso waan kuu soo laabanayaaye. Odayga oo ogaa maalin maalmaha kamid ah in laga jari doono nabsigii uu ka galay Aabihiis ayaa su’aalay wiilkii:

Maandhow meeshu meel duur ah ma tahay. Haa Aabe ayuu ku yiri. Geed weyn maku yaalaa. Haa Aabe ayuu ku yiri. Duduni ma u dhowdahay. Haa Aabe ayuu ku yiri. Waad mahadsantahay Aabe iguna soo laaban meyside iska tag ayuu ku yiri!

Qisadaan waxaan usoo qaatay. Madaxweyne Xaaf wadadii Abdikariim Gulled uu ku bixiyay ayuu isaguna maanta ku joogaa ee bal ha ogaado. Kuwa hada Villa Soomaaliya ka socda ee mashruucaan hor-boodayana xasuus qorkooda haku sii qorteen taariikhi ma duugowdee!

REER GALMUDUGOW ADINKUNA MID OGAADA: Dadka Galmudug waa dad lagu yaqaano qab iyo yaan dhinacaaga dhulka la dhigin. Waana mida indhaha aan leenahay maanta noo yeeshay. Madaxweyne Xaafna sidii Abdikariim Gulled inuusan tanaasulin ayaa suuro gal ah. Hadii sidaasi wax u dhacaana waxaa dhici karta in ay adkaato in dib danbe la isugu yimaado oo xuduudihii: Galmudug tii Gaalkacyo, Ximin iyo Xeebtii Cadaado iyo Ahlu Sunadii Dhuusamareeb oo markii horeba maqneed dib loogu laabto!

SIYAASIINTA VILLA SOOMAALIYA LAGA SOO BERI-GANTAALEYNA MID AYAAN LEEYAHAY: Kursigu waxa uu micno ku leeyahay dad iyo deegaan aad ku xukunto inuu leeyahay ee kursi sidii laptop
kii garabka lagu sito oo shirarka looga qayb galo micno yeelan maayo ee taariikh xumo haka taginina, masiirka dadkiina ha-u-baabi’inina dan shaqsiyadeed ee hadii aadnan wax ku kordhinayn Galmudug wax ha-u-dhibinina!

Hon. Mahad Salad