Maleeshiyo ka soo kala Jeeda Puntland iyo Galmudug oo isku dilay Mudug

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxeyso maleeshiyo Xoola dhaqato ah,waxaana Arintaan ay sababtay dilal salka ku haayo Aanooyin Qabiil.

Warar aan heleyno ayaa sheegayo in Koox hubeysan oo ah Maleeshiyo Xoolo dhaqato ah ay weerar ku qaadeen Gaari maraayay Agagaarka deegaanka Godod ee Bariga gobolka Mudug.

Weerarka Gaariga lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo shacab ah waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 10 kale oo qaarkood dhaawac halis ah qabaan sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkii ka dhacay deegaanka Godod balse waxay sheegeen in uu weerarkaas jiro.

Dagaal Beeleed xal loo la’yahay oo u dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleed ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa ka taagan bariga Gobolka Mudug.