Man Utd oo Liverpool iyo Man City ka afduubaneysa saxiixa Walcott.

Manchester United ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, waxayna dooneysaa inay xidigaan ka daba geyso Robin van Persie oo kooxda Old Trafford bishii August kaga soo biiray gegeda Emirates.

Sir Alex Ferguson ayaa isha ku haya inuu soo kaxeysto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee xulka England, kaasoo uu qandraaskiisa Gunners dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargeyska Sportsmail ayaa fahamsan inuu Walcott ka tegi karo Arsenal, hadii uu boos joogta ah ka helaayo Kooxda Red Devils.

Walcott ayaa diiday inuu kooxdiisa shan sano oo qandaraas ah u saxiixo uuna isbuucii ka qaato 75 kun oo ginni, halka aysan wadahadalo fool-ka-fool ah wax natiijo ah kasoo saarin isaga iyo kooxdu ilaa 28dii August. Horaan ayuuna sheegay inuu kooxda sii joogayo laakiin uu doonayo in mushaarkiisa la gaarsiiyo 100 kun oo ginni.

Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xidigaan xiiseynaayey, laakiin United ayaa noqon karta kooxda uu doorto inuu ku biiro xilli ay hugaanka u heyso Barclays Premier League.

Si la mid ah, Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa Janaayo doonaya inuu lasoo wareego ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Man United Nani, kaasoo uu fursad ugu heli karo heshiiska Walcott.