Maraakiib dagaal oo Mareeykanku leeyahay oo gaaray Qadar iyo warar is khilaafsan oo soo baxayo

Doha (Caasimada Online) – Maraakiibta dagaal ee Mareeykanka ayaa gaaray Dooxa xilli ciidamada ilaalada badda ee dalka Qadar ay isu diyaarinayeen dhoolatus Militari oo ay sameeyaan, waxayna arintan imaaneeysa maalmo yar kadib markii Madaxweeynaha Mareeykanka Donlad Trump uu ku eedeeyay dowladda Qadar in ay taageerto kooxaha argagixisada.

Dowladda Qadar ayaa marti gelisay saldhigga ugu weyn ee Mareeykanka ku leeyahay bariga dhexe, kaa oo la geeyay in ka badan 11,000 oo askari iyo weliba diyaarado dagaal oo kor u dhaafaya 100.

Wakaaladda wararka Qadar (QNA) ayaa baahisay in imaatinka maraakiibta dagaal ee maalinta Arbacada ay kusoo beegantay islama maalintii ay dowladda Qadar sixiixday heshiis ay Mareeykanka uga iibsaneeyso diyaaradaha nooc F-15, taa oo ay ku bixi doonto lacag dhan $12 Billion.

Heshiiska diyaaradahaan lagu iibinayo ayaa waxaa saxiixay wasiirka Difaaca Qatar Khalid Al Attiyah iyo  dhigiisa Mareykanka Jim Mattis wuxuuna heshiiskaas Arbacadii ka dhacay Magaalada Washington DC sida ay xaqiijisay Wakaaladda wararka Qatar ee loo yaqaan  Qatar News Agency (QNA).

Heshiiskaan ayaa tilmaamayo in dowladd Qatar laga iibiyo ilaa 72 diyaaradood oo nooca F-15 loo yaqaan, wuxuuna qorshaha heshiiskaan soo bilowday February 2016, waxayna Qatar xoogga saareysaa inay adkeyso xiriirkeeda amni iyo midka shaqo ee ka dhaxeeyo Washington iyo Doha.

Labada wasiir ayaa isla meel dhigay inay labada dowladood si wadajir ah ula dagaalamaan Ururka ISIS, sidoo kalana si deg deg ah loo xaliyo Khilaafka dowladaha Khaliijka si dagaalka lagula jiro waxa ay ugu yeereen Argagixisada la  isaga kaashado.

“ Heshiiskaan wuxuu bilow u yahay horumar istaraatiiji ah oo laga sameenayo xiriirka difaaca ee u dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar, waxaana diyaar u nahay inaan iskaashi Militari la sameysano Mareykanka” ayaa yiri Attiyah

“ Waxaan dowladda Qatar siineynaa diyaarado dagaal si kor loogu qaado iskaashiga Militari ee ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka.

Heshiiska diyaaradaha looga iibinayo Qatar ayaa imaanayo asbucu kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka Trump uu heshiis hub iibin ah la galay dowladda Sacuudiga kaasoo kacayo 110 Bilyan oo Dollar.

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqato inay hub isugu dhiibeyso Carabta si ay meesha uga baxdo awooda dowladaha Islaamiga ah, wuxuuna Madaxweynaha Mareykanka dhawaan sheegay inuu isaga ka dambeeyo Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Ma cadda in imaatinka maraakiibta dagaalka ee gaaray Dooxa ay ahayd mid hore loo sii qorsheeyay kahor xiisadaha kasoo cusboonaaday Khaliijka iyo weliba in ay tahay taageero ka timid dhanka Pentagon-ka.