Maraykanka oo ammaanay howlgalka Amisom: “Akhri Sababta”

Wanshinton (Caasimada Online) Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweeysay howlgalka ciidamada midowga Africa ee AMISOM ka waddaan Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in wax wanaagsan ay sameeyeen ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu soo dhaweeyay guulaha ay gaareen AMISOM kuwaasoo dhul badan ka qabsaday ururka Al-Shabaan tan iyo sannadkan.

Warka qoraalka ee maanta ka soo baxay xukuumada Washington, ayaa daba socday shirkii sannad lahaa ee dhacay dhexmaray Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afric, kaasoo dhacay   28-kii illaa 29-kii bishii hore ee November.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ballaarin doonto teegeerada la siinaayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa kulankaas ka sheegay in ay sii wadi doonnaan taageeridda AMISOM iyo dowladda cusub ee Soomaaliya la siinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi