Mareykanka oo 4 sano kadib dib u bilaabaya dhoolatuska Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in dalka Masar ay dib uga bilowdo dhoollatus militari.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Dowlada uu hogaamiyo Trump ay dib u bilaabi doonto dhoolatuska, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay isku waafaqeen Dowlada Alsisi ee Masar.

Jeneral Joseph Votel oo maamula hawlaha ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa yiri ”Waxaa naga go’an inaan dib u bilowno dhoolatusta Militeri ee Mareykanka uu kawaday Masar, waxaan isku raacnay labada dal in dib loo xoojiyo iskaashiga si loo ambaqaado howlaha qabyada ah”

Jeneral Joseph Votel waxa uu intaa raaciyay ”Taliska Militeriga Masar waxaa ka go’an inay dhaqangaliyaan howlaha lagu bilaabaayo dhoolatuska iyo inay si dhow ula shaqeeyaan Militeriga Mareykanka ee ku kala sugan Saldhigyada Bariga Dhexe”

Tallaabadaani ayaa imaaneysa xili madaxweynihii hore ee Barack Obama sanadii 2013, hakiyey dhoollatuska miltiri ee Qaahira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com