Mareykanka oo Sudan cunaqabateynta uu kusoo rogay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan.

Dowlada Maraykanka ayaa ka qaadista cunoqabataynta ku tilmaantay mid ku imaaday dadaalo muuqda oo ay Sudan ku xalisay dhibaatooyin ka jira dalkeeda.

Mareykanka ayaa ka qaadista cunaqabateynta u cuskaday in Sudan ay xalisay dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda.

Waxa ay sheegtay in weli Sudan ay u taagan tahay xal u helida khilaafaadka ka jira Gobolka iyo weliba halista argagaxisada.

Heather Nauert oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegtay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.

Heather Nauert, ayaa intaa raacisay in Sudan ay kasii mid noqon doonto dalalka ay dowlada Maraykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cunoqabataynta hubka lagama qaadi doono.

Ka qaadista cunoqabataynta dalka Sudan ayaa waxaa bilaabay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Barack Obama.

Dowlada Maraykanka ayaa cunoqabataynta saartay Sudan sanadii 1997dii, kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo is biirsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com