Mareykanka oo war culus kasoo saaray qorshihiisa safaaradda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia loo soo rari doono dhammaan Xarumaha howlgalka Mareykanka ee ku dhexyaalla dalka Somalia.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Somalia Stephen Schwartz ayaa sheegay in Dowlada Mareykanka ay mar kale howlgalo dheeri ah ka dhex sameyn doonto Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran.

Stephen Schwartz, waxa uu sheegay in mar kale ay Somalia ku yeelan doonaan howlgal diblomaasiyeed oo rasmi ah.

Waxa uu sheegay Stephen Schwartz in gudaha Somalia ay ku yeelan doonaan Xafiisyo dhowr ah oo laga hago howlgalada uu Mareykanka ka fulinaayo Somalia, waxa uuna tilmaamay in dhammaan howlahaasi ay fulin doonaan dhammaadka sanadkan.

Mr Stephen Schwartz ayaa sidoo kale sheegay in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho si rasmi ah loo hirgalin doono bisha October ee sanadkan.

Sidoo kale, danjire Stephen Schwartz, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhisi doonaan Safaarada ugu weyn ee Mareykanka uu ku yeelan doono Somalia, taa oo la xiray sanaddii 1991-kii, kadib markii dagaallada sokeeye uu ka dhacay Somalia.

Dhinaca kale, Mr Stephen Schwartz ayaa carab dhabay in dowlada Mareykanka ay usoo jeesatay garab istaaga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com