Mario Gomez: Bundesliga waa horyaalka ugu fiican Yurub!

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Mario Gomez ayaa aaminsan inuu Bundesliga yahay Horyaalka ugu fiican caalamka marka loo fiirsho bandhiga ay kooxaha ciyaara ka sameeyeen marxalada Group-yada Koobka Kooxaha Yurub, iyadoo Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Schalke ay usoo gudbeen wareega 16ka.

BVB ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group D laba isbuuc ka hor, halka Schalke ay xiratay kaalinta koowaad habeenkii talaadada, ka dibna Bayern ayaa 4-1 kaga talaabsatay BATE Borisov Arbacadii iyadoo hugaanka Group F kaga sareysa Valencia oo shaqeysatay 13 dhibcood lix kulan.

“Dhamaan sedaxda koox ee dalka Jarmalka way u qalmeen inay ku guuleystaan Group-yadooda. Wey fiican tahay in la arko inuu Bundesliga weli noolyahay uuna ka mid yahay horyaalada ugu wanaagsan,” ayuu Gomez u sheegay Website Uefa.

“Ka dib dhacdadaan, waa inaan dhaha waa waqtigii ugu wanaagsanaa. Dhamaantood Kooxaha kaalimada koowaad kusoo baxay waxay ciyaaro adag kusoo bandhigeen Yurub.”

Koox Jarmal ah kuma guuleysan Champions League tan iyo markii ay Bayern goolku laadyada koobka uga qaaday Valencia 2000-01, laakiin sanadkaan ayey rajo ka qabaan inay ku guuleystaan ka dib markii ay sedax koox usoo gudubtay wareega 16ka.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.