Markab laga leeyahay Imaaraatka oo kusoo xirtay dekadda Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa markabkii ugu horeeyay oo sida shixnad gargaar ah usoo dirtay Somaliland, waxaana markabkaasi uu kusoo xirtay dekada magaalada Berbera.

Markab siday sahay gar gaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa waxa uu gaaray dekadda magaalada Berbara ee maamulka Somaliland Sida ay shaacisay dowladda dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana  loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan  deegaanada maamulka Somaliland, balse gargaarka ayaa kusoo aadaya iyadoo roobab xoogan ay ka da’een deegaanada Soomaalida.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay qeybiyaan guddi kasocda dowladdda Imaaraadka Carabta, sida madaxda UAE ay sheegeen.

Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhig Ciidan ka dhisanaysa Magaalada Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala leedahay maamulka iskiis isku aqoonsaday ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com