Masjid ku yaalla Waqooyiga Masar oo la weeraray, iyo Khasaaraha oo Sii kordhaya.

Qaahira (Caasimadda Online) – Rag hubaysan ayaa weeraray Masjid ku yaal Gobolka Siinaa ee dhaca Waqooyiga Masar, waxa uuna sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac geystay.

Inta ka badan 200 oo qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 130 qof oo ah Jamaacadii Masaajidka ku sugneed, sida ay sheegeen Illo Wareedyo rasmi ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ragga hubeeysan ay u adeegsadeen weerarkooda, qaraxyo iyo weeraro toos ah, isla markaana bartilmaameedkoodu ahaa Masjidka sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegayaa in ay beegsadeen mid kamid ah Gawaarida Gurmadka Deg deg, oo xiligaasi lagu daabulaye dadka dhaawacmay, taasine ay kordhineyso Khasaaraha Dhimashada.

Britain, Turkiga, Jordan iyo Bahrain ayaa cambaareeyay weerarka. Madaxwaynaha Masar ayaa sidoo kale ku dhawaaqay baroordiiqda guud oo dalka Masar la geliyo Saddex Maalmood.

Madaxweynaha C/Fitaax Al-Siisi ayaa la sheegayaa in uu shir deg deg ah Gudoomiyano, waxaana uu la qaadanaaya Laamaha Ammaanka Masaarida, si wax looga qabto Dagaalada Daba dheeraaday ee Gobolka Dhaca Waqooyiga Masar.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Xukuumadda Qaahira ayaa dusha ka saareysa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Waqooyiga Masar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com