Maxaa adeerkeey wasiirnimo loogu diiday? (Jahwareerka Siyaasada Cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadeeyna Khayre iyo Farmajo ka shanlaayin , cadaalad darada lagu sameeyay Adeerkeey iyo Beesheeyda. Adeerkeey maxaa loogu diiday in uu noqdo wasiir fiiri: CV-giisa waa la mid kuwa la magacaabay fiiri CV-yadooda, cid CV-geeda la soo hubiyay ma jirtaa?, kan adeerkeey ayaaba beesheeno hubisay hoos ka aqri:

CURRICULUM VITTE.

Magaca: jaamac muudeey qowdhan siidoow, waxa aan ku dhashay degmada waaq waaq .sanadkii 1935 ama 2005 tii aad doonto u qaado.

WAXBARASHADA

Waxa aan soo hormarsaday PhD, oo aan ku qaatay sharciga-International LOW iyo conflict resolution jaamacada st. georgi warsame ee NY 2015, markaa sannad kadib ayaan BA ka qaatay jamacada Toronto association sanadkii 2016 aniga oo ku taqasusay caafimaadka iyo xiriirka caalamiga ah, laakin dib ayaan u dhigtay shahaadada Mastarka MA, 8 sano kadib ayaan bilaabaya,.

Waxaan Dibaloome ka qaatay Jaamacad Hindiya ku taal magaceeda ayaa iga maqan, Waqtigaa kadis igu noqday ee haddii loo baahdo CV kan ka fiican waa iga diyaar, waxaana ka heeystaa shahaadada CPA, CPPU, MAU, RPD. waxaa kale oo aan shahaado ka heeystaa American International Open University ee magaalada Xosijiin Mii ee koofor waqooye dalka shiinaha waxaana aan ku taqasuusay Media expert, yaan meelna wax kaaga fakan iyo Bachelor of Science, Office Administration ee State University College of Tuffilo- New York iyo Ohio, dowladii horena iyada oo ii magacaabi rabta xil wasiir ayeey iga dhacday.

SHAQO & KHIBRAD

Waxaan Hore u soo maamulay Miisaaniyad dhan $250 million, waxaan madax ka noqday xafiisyada UNICEF, FAO, IGAD, EU, UNHCR, OXFARM, African Union, European Union, chines refugee council, , UNOSOM, Qatar Airline, Agaasime xafiis Bankiga aduunka shaqadana waan ka tagay si aan u sii wato wax barashadeeydii dugsiga sare 2001dii, muddo sideed sanno ahna waxaan ahaa director of Operation UNDP .

Nabadgalyada dalka waa sugi karaa, waxaa qabaa tababar dhica nabad galyada Hotel security 3 bilood ah, in kastoo aanan la ii soo dirin natiijadii imtixaanka, Waxaan noqon karaa La taliye, bad iyo biri, aduun iyo aakharo, dayax gacmeedyada iyo arrimaha UFO.

Waxaa kale oo aan noqday wasiir maamul gobaleedka beesheeyda ee Quuq land, UNPOS, safiir Boqortooyada aanu saaxiibka nahay ee ….. magacii ayaa iga maqan beri ayaan foomka ku soo buuxinayaa, 6 bill ayaan uga baxay dugsiga sare ka dibna waxaan noqday Ganacsade caan ah. Wxaan hore u ahaa Qareenkii ugu fiicnaa Kanada ,halkaa ayaana wax ku bartay, markii ay kanadiyaanku sharciga ila fahmi waayeen ayaan Somalia u soo tahriibay si ummaddan somaliyeed ee wax ila fahmeeysa aan uga faa’iideeyo.

Waxaan ku hadlaa 16 luqadood, in kastoo af-somaliga aanan ku fiicneeyn, 40 sanno oo khibrad nololeed ah, kayar ama ka badan hadba tii loo baahdo, waxaan leyahay 11 NGO, 9 batante, ( driving licenses ) kala heer ah .B12,B6,C, D,L B complex. Waxaan heeystaa 4 paasport.

GARDARO:

Bal ninka aqoontaa waxbarsho iyo khibradaa shaqo leh ee aan loo magacaabin mid ka mid ah wasiirada waaweeyn ee dufanka leh soow dulmi ma ahan.

BEESHA MAXAA LA HABOON.

Beesheenu cadaalad daro ayeey tirsanee, wasiir aan noo qalmin.( xoola miyaa maxaa loo qalaa-midi afle ma heeystiin miyaa?). Arrintaa waxaan u xilsaarnay duubka beesha ee aan cidi duuban, Nabadoonkii iyo xildhibaankii uu soo xulay isaga oo la kaashanaya jeebkiisa iyo hunguri ku habsadayaasha beesha , arrintaasi nooma cuntanato( sii fiican u kari Hilib miyaa naga maqan mise cunto –nooma cuntanto aa!!!).

Waxaan u gudbinay cabashadeena madaxda sare ee loo dhiibay liiska si ay ugu dhawaaqaan iyo ciyaalka Dirhamka carbeed siyaasada ku sarifta , wakiilada dalalka deriska, milkiilayaasha Hoteelada , saaxiib, xidid, xigaalo iyo ururada wax ma trayaasha heer qaran iyo dhamman inta ay khuseeyso.

Haddii aanan codsiga beesha si deg deg ah wax looga qaban, madaxweynaha Kuuriya Jim wii Kii ayaa noo balan qaaday in uu nasiiyo gantaal uu ka cabsaday tijaabadiise, kaa ayaana ku tijaabi doonaa Villa Somalia. Horta kuwa CV-gan aqbalay yaa iyaga laftooda CV –gooda naga hubiyay. D D D ma waxaa ay noqotay Danta,Dadka ,Diaspora .

FG: Ha u qaadan mucaaradnimo iyo muxaafad nimo waxaan madaxda ka codsaneeynaa in ay naga hubiyaan CV-yada. Anigaaba ku wareeray markaan web site ka aqriyay CV-yada wasiirada cusub ay soo diyaarsadeen oo been u badan. walee farmaajo iyo khayre dhib waa heeystaa haddii CV- yada aan arkay la hor keenay, beesheeyduna ay ku doodee in CV-ga Adeerkeey ee kor ku qoran uu sax yahay. Aan sugno una duceeyno, kuwa la magacaabay iyo kuwii magacaabayba in Allah uu ku toosiyo waddada maslaxada umada, iyagaaba dhibane Mucaaradnimada ha laga khafiifiyo, doodana mid wax saxid ha laga dhigo, khayrna Alla hana waafajiyo Aamiin , Aamiin,Aamiin.

Qore: Yahya Amir