Maxaa diirada lagu saaray Shirkii Degdega ahaa ee Xalay dhex maray Golaha Wasiirada (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habeenimadii Xalay Villa Somalia ka dhacay shir degdeg ah oo u dhexeeyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Shirka oo socday ku dhawaad laba saac ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana dirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Waxaa madasha Shirka oo aheyd Villa Soomaaliya laga saaray Wariyeyaasha oo markii hore goobta looga yeeray.

Shirka oo aan si dhaba loo ogeyn waxyaabaha diirada lagu saaray ayaa waxaa jira warar hoose oo sheegaaya inuu ku qotomay xiisada siyaasadeed ee Galmudug, iyo eedeymaha Xaaf uu u soo jeediyay dowladda Federaalka oo ah in faragelin ku heyso maamulkiisa iyo guud ahaan xaalada dalka.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirada ayaa isla jeex jeexay eedeymo dhowr ah oo loo jeediyay Hogaamiyaha Galmudug Xaaf iyo qodobo dhowr ah oo loo cuskaday.

Golaha Wasiirada waxa ay isla fahmeen in Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo ka talaabay xuduuda Siyaasada kala xadideyneysa DF iyo Maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa imaanaya xili xiisad Siyaasadeed ay ka dhextaagan tahay Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kaa oo salka ku haya khilaafka ka dhashay Khaliijka.

Maamul goboleedyada ay ku dhawaaqay inay la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com