Maxaa hadalka Hailemariam ee Somaliland kusoo beegay guusha Farmaajo?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dowladdiisa ay mashruucyo la xiriira dhinaca kaabayaasha ay la billaabi doonto maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ku yaalla, waxaa sidaas weriyey shabakadda All East Africa.

Mr. Desalegn ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay wafti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayey musharax madaxweyne Muuse Biixi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Mashruucyada kaabayaasha ah ayaa waxaa xoogga lagu saari doona dhismaha wadooyinka isku xira Somaliland iyo Ethiopia, oo xukuumadda Addis-Ababa u sahli doona inay adeegsato dekedda Berbera.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan sugidda amniga.

Wada-hadallada kadib, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire wuxuu weriyayaasha u sheegay in labada dhinac aysan ka shaqeyn doonin kaliya dantooda gaar ahaaneed, balse sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan xasiloonida gobolka.

Ethiopia ayaa waxa ay ka mid tahay dalal dhowr ah oo xiriir diblomaasiyadeed la leh Somaliland inkasta oo Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia.

Heshiisyadan oo shalay ay gaareen labada dhinac ayaa imanaya laba maalmood un kadib markii madaxweyne cusub ay dooratay Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inaysan isku wanaagsaneyn Ethiopia, isaga oo sidoo kale ka adkaaday musharaxii ay Ethiopia taageereysay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabada deg degta ee Ethiopia ay masharuucyada kula heshiisay Soomaaliya, ayaa xiliga ay kusoo aadeen dhalin kara su’aalo ku saabsan qorshaha Ethiopia ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com