Maxaa iska badalay waqtiga shaqada ee Xafiiska Gobolka Banaadir tan iyo markii Thaabit loo magacaabay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed waxaa isbadal weyn ku imaaday waqtiga shaqada ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sida laga war qabo guddoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir ma laheyn jadwal shaqo oo joogto ah, mana jirin waqti cayiman oo guddoomiyaha Gobolka laga helayo xafiiskiisa, balse tan iyo markii Thaabit loo dhiibay xilkaas, waxaa fududaatay shaqooyinkii Gobolka Banaadir wuxuuna guddoomiyaha xafiiskiisa usoo fadhiistay si joogt ah.

Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo, wuxuuna intaas xafiiskiisa ku qaabilaa dad badan oo adeegyo uga baahan Gobolka taasoo muujineyso inuu guddoomiyaha yahay nin u diyaarsan inuu si wanaagsan u guto waajibkiisa.

Sida uu noo xaqiijiyey shaqaalo ka tirsan Gobolka Banaadir oo xafiiskaas ka shaqeenayey muddoo toban sano, guddoomiye Thaabit ayaa inta badan la arkaa isagoo shaqeenayo xilliyada habeenkii ilaa afar saac habeenimo taasoo noqotay arrinta ugu muhiimsan ee uu Thaabit kaga duwanaaday Guddoomiyayaashii hore.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaqaalaha Gobolka Banaadir ku amray inay waqtiga shaqada ilaaliyaan isla markaasna si wanaagsan loogu adeego muwaadiniinta documents-ka uga baahdo Gobolka Banaadir, waxaana markii hore jirtay xilliyadii guddoomiyayaashii hore cabaqad kasoo wajaheyso  shacabka xafiisyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Thaabit ayaa laga rajeenayaa inuu si dardar geliyo shaqadiisa, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda aaminsan yihiin inuu Thaabit noqon doono guddoomiyihii ugu waxqabadka fiicnaa dhammaan guddoomiyayaashii soo maray Gobolka Banaadir tan iyo burburkii.

Dhanka Kale guddoomiyaha ayaa ka shaqeeyey in la fududeeyo qaadashada waraaqaha dhashada iyo kuwa sugnaanta, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu guddoomiyaha meesha ka saaray laaluushkii markii hore laga qaadan jiray muwaadiniinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Thaabit ayaa ka shaqeeyey in dadka doonayo dhalashooyinka iyo sugnaanto loo kala hormariyo sida ay usoo kala horeeyaan halka markii hore loo kala hormarin jiray sida ay u kala laaluush badan yihiin.