Maxaa ka dhalan kara tallaalabada cusub ee uu qaaday amiirka Qadar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Somalia una waramaayay Idaacada Dalsan ayaa ka hadlay waxyaabaha ka dhalankara Khudbada uu jeediyay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in Khudbada Amiirka uu yahay mid saameyn ku yeelankara Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Khudbada Amiirka Qadar ayuu sheegay Dalxa inuu hoos u dhigi doono Khilaafka taagan, waxa uuna cadeeyay in Khudbadaasi ay waxbadan u bidhaamisay dowladaha garabka u ah Xulafada Sacuudiga.

Waxa uu sheegay in Khudbada Amiirka Qadar ay muujineyso in tuhunka laga qabo xiriirka Qadar kala dhexeeya argagixisada uu yahay mid waxkama jiraan ah.

Waxa uu Xildhibaan Dalxa farta ku goday in Khudbada Amiirka ay dhabar jab ku noqon doonto Xulafada Sacuudiga, maadaama ay dhinacyo badan taabaneyso.

”Khudbada Amiirka Qadar waxa ay qaboojineysaa xiisada, waxyaabaha kor u qaaday xiisada waxaa kamid ahaa jawaab la’aanta amiirka balse hadda waxaa la filankaraa in xiisada Khaliijka ay qabowdo lagana gudbo”.

Geesta kale, Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in dowladda Somalia ay tahay wax lagu amaano mowqifka ay ka qaadatay khilaafkaas halka dowladdihii hore ay horay go’aan aad u fudud u qaadan jireen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com