Maxaa ka dhigay doorashada Somaliland mid taariikhi ah?

Waxaa laga yaabaa in aysan micno weyn kula lahayn doorashooyinka ka dhacaya jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taaga ee Somaliland, balse waa dhacdo taariikhi ah oo adduunka oo dhan isha lagu hayo, gaar ahaan Afrika.

Waa goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ay ka dhacdo codbixin dadka ay isticmaalayaan tijnoolajiyadda casriga ah.

Doorashada oo ay ka qeybqaadanayaan wax ka badan toddobo boqol kun oo codbixiyeyaal ayaa waxaa u loolamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo UCID oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha xilka haya ma tartamayo

Waxyaabaha taariikhiga ah ee doorashadan ay kaga duwantahay kuwa badan oo Afrika inteeda kale ka dhaca ayaa ah in uusan tartamaynin madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaa intaas sii dheer in ololaha doorashada oo billowday 21-dii Oktoobar uu si nabad galyo ah ku socdo, aysana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday, iyo xanibaad dhanka dowladda ka timid.

Guddiga doorashooyinka iyo habka doorashada u dhacayso waa mid waqti badan la galiyay, wadar-ogolna laga wada yahay si ka duwan meelo badan oo Afrika ka mid ah.

Inkasta oo doorashada marar badan ay dib u dhacday, haddana kama dambays waxa ay dhacaysaa 13-ka bishan November.

Doorka Tijnoolajiyadda

Adduunka horumaray, gaar ahaan reer galbeedka ayaa xagga hore kaga jira in tiknoolajiyadda la isticmaalo marka ay doorasho dhacayso, balse Afrika waa xaajo ku cusub.

Waxay noqonaysaa markii koowaad oo Afrika gudaheeda doorasho loo isticmaalo aaladaha casriga ah ee loo yaqaano Iris ee wajiga qofka aqoonsanaya, haddii uu markale soo laabtana sheegaya.

Aaladahan ayaa waxaa la gaynayaa 1,642-da goobood ee laga codaynayo, kuwaas oo ku kala yaalaa 21-da deegaan-doorasho ee Somaliland.

Waxaa doorashada hubinaya xalaalnimadeeda illaa 60 kormeerayaal caalami ah oo ka kala socda 24 dal oo adduunka ah, kana tirsan ururka caalamiga ah ee korjoogtada doorashooyinka ee lagu magacaabo EOM oo ay maalgaliso dowladda Ingiriiska.

“Waa dhacdo taariikhi ah maadaamaa uusan ka qeybgalaynin madaxweynaha xilka haya” ayuu yiri Dr Michael Walls oo jaamacadda London University College oo hormuud ka ah kormeertada doorashada.

Doorashadan ayaa waxa ay sidoo kale la gaar ahayd in musharixiinta ay ka qeybqaateen dood taleefishinka si toos ah looga baahiyay oo si furan su’aalo lagu weeydiinayay.

Taleefishinka BBC-da oo kaashanaya HCTV iyo SBC TV ayaa sidoo kale maanta dood u qabanaya saddexda musharrax, waana tii labaad oo ay yeeshaan musharixiinta.

W/Q: