Maxaa ka jira in Farmaajo lagu qasbay in garoonka Aadan Cadde la geeyo saraakiil Kenyan ah

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ahaa oo lagu heshiiyey qodobo badan yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Keyatta/

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

“Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa horay u ballan qaaday inay xayiraada duulimaadyada tooska ah qaadi doonto wixii ka billowdo bishii Desember ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed ayaa bishii September ee sanadkii hore warfidiyeenada u sheegtay in la qaadi doono xayiraadaasi mar ay Muqdisho uga qeybgeleysay shirka IGAD.

Haddaba waxaa soo baxay durba warar sheegayo in kooxdiisa baaritaanka u qaabilsanaa dowladda Kenya baaritaanka diyaaradaha ka imaaday Soomaaliya ee fadhiyey Wajeer looso wareejin doono gudaha garoonka Muqdisho ay halkaas uga qabtaan shaqadii ay ka qaban jireyn Wajeer.

Wararkaas ayaa ah kuwa been abuur ah oo laga sameeyey hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed ee ahaa “Waa in meesha laga saaro joojinta diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi u socda kuwaasoo lagu hakiyo Wajeer balse waa in laga shaqeeyo ammaanka labada garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta, ka hor inta aan arrintaasi la hirgelinin” .

Caasimadda Online ayaa la xiriirtay dad ku dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna noo xaqiijiyeen inuusan warkaas wax ka jiro oo uu hadalka Aamino ahaa in dowladda Soomaaliya ay sugto amniga garoonka Muqdisho isla markaasna ay si fiican usoo baarto diyaaradaha kasoo kacayo ee soo aadayo Nairobi, sidoo kalana si fiican loogu hubiyo garoonka Jomo Kenyatta.

Haddi arintaas ay dhacdo oo saraakiil ka socdo Kenya la geeyo garoonka Muqdisho si ay u baaraan diyaaradaha aadayo Nairobi, midaas waxay dhaawac weyn ku noqon doontaa jiritaanka iyo sumcadda Soomaaliya, sidoo kalana waxay muujineysaa inaysan Kenya kalsooni buuxda ku qabin dowladda Soomaaliya.

Marka laga hadlayo garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa muuqato in si weyn uu u adag yahay amaankiisa isla markaasna qof kasta oo soo gaalayo lagu sameeyo ilaa 5 baaritaan, mana u baahno in la keeno saraakiil ka socoto dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com