Maxaa ka jiro inuu Farmaajo laba waxyaabood kala mid noqday madaxweyne Trump?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay markii ugu horreyey ka arrimiyey madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la doortay 8 February wuxuuna ilaa waqtigaas si kumeel gaar ah ugu shaqeenayey Hotel Jazeera oo u dhaw garoonka diyaardaha Muqdisho.

haddaba durba waxaa lasoo caleemeeyey waxyaabo uu Farmaajo kala mid noqday Madaxweynaha dhawaan isna xilka mareekanka ku fadhiistay ee  Donald Trump.

Waxaa la xasuustaa inuu shalay Farmaajo marki uu qudbadda ka jeedinayey xafladdii uu Xasan xilka kala wareegay ka sheegay inuu awoodda dowladda dib ugu celinayo shacabka, wuxuuna midaas kala mid noqday Trump oo isna ereyadaas kuwa la mid ah adeegsaday markii si rasmi ah loogu dhaariyey xilkiisa madaxweynimo.

hadalka uu Trump Xilligaas sheegay ayaa ahaa isna inuu awoodda Washington Dc dib ugu soo celin doono shacabka wuxuuna yiri

“We are transferring power from Washington, D.C., and giving it back to you, the people”. (waxaan awoodda kasoo wareejin doonaa Washington, D.C anigoo dib idinkugu soo celinayo)

Midda labaad oo la sheegay inuu Farmaajo kaga mid noqday Trump ayaa ah inuu boggiisa bulshada ku xiriirto ee Twitterka u adeegsado inuu kusoo gudbiyo wararka dowladda iyo xilalka la magacaabayo taasoo la arkay isagoo kusoo gudbiyey  magacaabiddii ugu horeeyay ee uu sameeyay Xilli  aan la arag wareegtadii madaxweynaha ee rasmiga ahayd isla markaana warbaahinta Qaranka aanay waxba ka qorin magacaabiddaasi, waana mid lamid ah sida uu sameeyey Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com