Maxaa ka taqaan daroogada cusub ee Captagon ee lagu faafiyey dalalka Carabta? (Khatar cusub)

Amman (Caasimada Online) – Ciidamada illaalada xaduuda ee wadanka Urdun (Jordan) ayaa Sabtidii shalay 12 qof ku dilay xaduuda wadankaasi la wadaago dalka Siiriya, dadkaasi ayaa doonayey inay daroogo soo geliyaan wadankaasi.

Militariga ayaa sheegay in dadkan la dilay ay doonayeen in si sharci daro ah kusoo galaan dalkooda, isla markaana doonayeen in daroogo iyo maandooriyayaal soo geliyaan dalka Jordan.

Waxaa la sheegay in 24 qof kale ay ka baxsadeen ciidamada kuwaasi oo dib ugu noqday dalka Siiriya, balse waxay goobta uga carareen shixnad badan oo ah Daroogada kaniiniga laga sameeyo oo ay u iib-geenayeen dalalka Carabta.

Ciidamada ayaa sheegay in daroogada ay gacanta ku dhigeen ay gaareyso 2 milyan oo kaniiniga daroogada oo lagu soo sameeyey gudaha wadanka Siiriya.

Siiriya-Daroogo-CaptagonDowlada Urdun ayaa si weyn u adkeysay illaalida xaduuda ay la wadaagto dalka Siiriya oo gaareysa 370km, waxayna dowladaasi cabsi weyn ka qabtaan in kooxaha xagjirka ah ee sida Daacish ay uga soo gudbaan xaduuda Siiriya, balse sidoo kale ay ku xakameeyaan ganacsiga Daroogada lagu sameeyo dalka Siiriya oo sanadihii lasoo dhaafay lagu baahinayey dalalka Carabta.

Daroogada CAPTAGON
Dalka Siiriya ayaa noqday xarunta lagu sameeyo daroogada sanadihii lasoo dhaafay, waxaana dalkaasi lagu sameeyaa kaniiniyo daroogo cusub oo lagu magacaabo CAPTAGON, daroogadan ayaa laga sameeyaa aalada (fenethylline hydrochloride), waxaana loo iibgeeyaa wadamada Carabta sida Jordan, Lubnaan, Ciraaq iyo Sucuudiga, waxaana lagu soo waramayaa in dhalinyaro badan oo ku nool Sucuudiga ay daroogadan cusub si weyn u adeegsadaan.

CAPTAGON ayaa ah daroogo qofkii cuna ay hurdada ka tageyso muddo maalmo ah isla markaana qof uu dareemayo awood dheeraad ah, balse sida lagu yaqaan daroogada marka ay ka baxdo dhiiga qofka isticmaala ayuu awood beelayaa, waxaana la sheegaa in daroogadan cusub ay dadka isticmaala mararka qaarkood u dhintaan biyo yaraan jirkooda (Haraad) ama dhiig-kar. Sidoo kale waa daroogo sababi karta cudurada dhanka dhimirka.

Waxaa la sheegaa in kuwo badan oo kamid ah maleeshiyaadka ka dagaalama dalka Siiriya ay daroogadan adeegsadaan, si ay cabsidooda ugu dajiyaan iyo waliba iyagoo u isticmaala inaysan seexan.

Waxaase daroogadan si aad ah xiligan u isticmaala dhalinyarada ka dhalatay qoysaska maalqabeenada ee dalalka Carabta gaar ahaan wadanka Sucuudiga oo la sheegay in daroogadan si weyn loogu baahiyey.

Qaar kamid ah maalqabeenada Carabta ayaa la sheegay in daroogadan sidoo kale u adeegsadaan inay ku ridaan culeyskooda ama isku caateeyaan.

Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa Amiir (Prince) ka tirsan Qoyska Boqortooyada Sucuudiga iyo Afar qof oo kale lagu qabtay dalka Lubnaan xili ay doonayeen inay diyaarad saaraan 2 ton oo ah Daroogadan CAPTAGON iyo daroogada loo yaqaan cocaine.

Abdirisak Shino