Maxaa kaaga baxay taatikada uu Turkiga ku kala dhantaalay duulaanka xulafada Sacuudiga ee Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The New Khaleej ayaa daabacay warbixin ka hadleysa weerar Milateri oo ay Xulufada Sacuudiga uu hoggaaminayo ay u qorsheeyeen inay ku qaadaan dalka aadka u yar, balse Hodanka ah ee Qatar, hase ahaatee markii uu Turkiga ku dhawaaqay inuu ciidamo u dirayo Qatar ayaa carqalad ku noqday qorshihii Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuwaasoo si aad ah uga carooday tallaabada uu Turkiga qaaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa The New Khaleej u xaqiijiyay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay qorsheeyeen weerar Milateri oo xukunka looga tuurayo Boqorka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, balse tallaabadii uu Turkiga ciidamo degdeg ah ugu soo diray Doha ayaa fashiliyay dhagartii ay damacsanaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Diblomaasi diiday in magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga dajiyeen qorsho weerar Milateri, iyagoo ka faa’iideeysanaya ka hor inteeysan dalkooda Qatar kusoo laaban Ciidamada dalkaas ee qeybta ka ah Howlgalka dagaalka Yemen.

Diblomaasigaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Imaaraadka leeyahay ay gaareen dalka Baxreyn, kuwaasoo qorshahooda yahay inay dhanka Badda ka weeraraan Qatar, isla markaana la wareegaan Dekadaha dalkaas iyo Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad International Airport, halka Ciidamada Sacuudiga iyagana qorshahooda uu ahaa inay dhinaca dhulka ka soo weeraraan.

Qorshaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa wuxuu ahaa in marnaba aan si shaac ah loogu dhawaaqin weerarki Milateri, balse uu ahaado mid Gaadmo ah, kadibna xilka laga qaado Tamim bin Hamad Al Thani, laguna wareejiyo ruux ka tirsan dhaxalsugaha.

Balse Go’aankii uu Baarlamanka Turkiga 6-dii Bishii hore ee June ku gaaray in ciidamo loo diro Qatar ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay qorshihii ay wateen Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana ku qasbanaadeen inay baajiyaan weerarkii Milatari ee ay la damacsanaayeen Qatar.

Tallaabada uu Turkiga qaaday ayaa waxaa si aad ah uga carooday wadamada Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar, kuwaasoo u arka inuu si weyn u dhaawacay qorshahoodi.

Turkiga ayaa Qatar sanadkii 2014 Heshiis kula galay inuu saldhig Milatari ka sameysto magaalada Doha ee xarunta dalkaas, waxaana heshiiskaas saxiixay oo meel mariyay Baarlamanka Turkiga 6-dii Bishii June ee la soo dhaafay, waxaana durbadiiba Doha gaaray ciidamo iyo saanad Milatari oo uu Turkiga leeyahay.

Xiisada dalalka Khaliijka ayaa soo ifbaxday 5-tii June ee sanadkan, waxaana wadamada Imaaraadka, Sacuudiga,Masar iyo Baxreyn ay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo hawada ah, waxaana ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagixisada, sidoo kale waxyaabaha Qatar lagu eedeeyay waxaa k amid ah ineey xiriir dhow la leedahay dalka Iiraan. Balse Doha ayaa diiday dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyay.

W/Q. Bashiir Addow Ahmed
Salmaansaleebaan@gmail.com

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII