Maxaa kala qabsaday xildhibaan Xiddig iyo xildhibaanada Hawiye?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaan Xiddig oo ah musharax guddoomiyaha baarlamanka uu kulamo magaalada Muqdisho Kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye.

Xildhibaan Xiddig ayaa Xildhibaanada Beelaha Hawiye ka codsaday inay siyaan codadka kana caawiyaan in loo doorto guddoomiyaha baarlamanka.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uusan ku dhammaan sidii uu filayey Xidig, kadib markii xildhibaanada qaar ay muujiyeen inaysan taageeri karin, ayada oo Xidig lagu tuhmayo inay gadaal ka riixayaan Shariif Xasan iyo dowladda Ethiopia.

Xildhibaan Xiddig ayaa afartii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday ololo uu ku doonaayo inuu ku Hogaamiyo Baarlamaanka, wuxuuna la kulmayaa xildhibaanada beelaha kala duwan..

Xildhibaan Xiddig ayaa waxaa horay uu ula kulmay xildhibaanada beelaha Daarood, balse badankood u sheegay inuu tanaasulo maadama guul uu gaaro ay ka dhigan tahay in beesha ay weyn doonto xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Lama oga in Xildhibaan Xiddig uu kusoo bixi doono Doorashada iyo in kale maadaama ay soo foodsaartay kalsooni darro kaga imaaneysa dhanka Xildhibaanada intooda badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com