Xog: Maxaad kala soctaa beelaha tartanka ugu jira hogaanka hay’adaha amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda tartan u dhexeeya Taliyayaal hore oo doonaaya in mar kale ay dib u qabtaan Hay’adaha amaanka Somalia.

Hay’adaha amaanka DFS Sida NISA, Booliska iyo Milliteriga ayaa waxaa loolanka ugu jira beelaha kala ah Murusade, Habar Gidir iyo Abgaal, waxaana shaqsiyaadka xilalkaasi doonaaya ku jira kuwo ku fashilmay Amniga Somalia, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somalia ayaa waxaa loolan ugu jira 3 Taliyayaal khibrad leh, waxaana kamid ah Sargaal Hore oo lagu magacaabo General Cali Xaashi Baraale oo Dawladii Siyaad Barre Xilal ciidan kasoo qabtay.

Gen. Cali Xaashi ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa dalka dibadiisa, waxaana la saadaalin karin waxqabadkiisa maadaama uusan shaqeyn dhowrkaani sano.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa waxaa ku loolameysa Laba beel oo kala ah Daarood iyo Abgaal, waxayna u badan tahay in la siiyo beesha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan.

Sidoo kale Taliyaha Milliteriga ayaa waxaa u taagan Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cade” oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, waxa uuna xusul duub ugu jiraa qabashada xilkaasi.

Indha Cadde ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ahaa mid howlgab ah, waxaana xil uu qabto ugu danbeysay Dowladihii hore ee KMG ahaa.

Indha Cadde, ayaa waxaa wata Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana suuragal ah inuu kasoo dhexmuuqdo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka, walow Indha Cadde laga aaminsan yahay muuqaalo kale.

Xil ka qaadista iyo Magacaabida Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa dhaqan gali doonta dib usoo laabashada Madaxweynaha kadib, waxaana iminka socda diyaar garow kii ugu danbeeyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka feejigan in xilalkaasi ay u magacaaban Taliyayaal horay usoo fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com