Maxaa kala soctaa Hanjabaadihii loo geystay Haweeneydii Ganacsatada aheyd ee lagu dilay Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in nin hubeysan uu dilay Haweeney ganacsato ahayd, taa oo lagu magacaabayey Warsan Faarax.

Marxuumada waxa ay kamid aheyd Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo gaar ahan waxa ay kamid aheyd kuwa Maqaaxiyaha Cuntada lagu iibiyo ku dhex leh Gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Ninkii dilka ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay inuu u dilo Haweeneydaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumada ay ku xirnaan jirtay Masuuliyiin, Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Gaalkacyo kuwaa oo rukun u ahaa inta ay ku guda jirtay Ganacsiga.

Xogaha aan heleyno ayaa intaa kusii dareysa in Marxuumada muddo laba jeer ah loo hanjabay gudaha bishaani May, waxaana lagu canaanan jiray inay faraha kala baxdo howlaha ay gacanta kula jirto, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska marxuumada.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo wada baaritaano dheeraad ah.

Dhinaca kale, waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku badan maalmahan dambe dilalka qorsheysan ee sidan oo kale ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com