Maxaa kala soctaa kala iibsiga xildhibaanada maanta codeynaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Somalia ayaa saacadihii ugu danbeeyay dadaal ugu jira cida ay u dooran lahaayen Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Xildhibaanada oo kala taageersan Musharaxiinta ayaa hadana ka siman xulashada cida u qalanta xilkaasi, waxaana xusid mudan in Musharaxiintu ay kala qaaten Xildhibaanada.

Musharaxiinta ugu cadcad ee ku jira loolanka lagu Hogaamin lahaa Baarlamaanka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Jawaari, Faarax C/qaadir iyo C/rashiid Xiddig.

Xildhibaanada ayaa waxaa ku jira kuwo aaminsan mabda’a Xisbiyada iyo Kooxaha diimeedka ee ka jira dalka kuwaa oo wata musharaxiin gaara.

Dowlada Somalia ayaa si gaara u wadata Xildhibaan Jawaari iyo Faarax C/qaadir, waxaana la saadaalinayaa in labadaasi musharax uu midkood kusoo bixi doono doorashada.

Geesta kale, waxaa suuragal ah in doorashada uu kusoo baxo musharax kale oo aan la fileynin, maadaama Musharaxiintu ay kala wataan Hogaamiyayaasha Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com