MAXAA KEENA AF-QURUNKA?

Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno “Halitosis” waa xaalad qofku ka soo saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso, kaasoo ku baab’a naadiifinta ilkaha.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da’dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go’aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keeno af-qurunka?

Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
– Infekshan ama caabuq ku dhaca jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
– Qooman
– Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada “suppurative lung diseases)
– Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida “urea”)
– Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
– Cudur ku dhaca dhiigga
– Sonkorowga
– Xamiitada oo jirata
– Kaankaro
– Cillaad dheefshiid
– Cunnooyinka qaar

Caafimaad darro ka timid ilkaha
– Bolol ilkaha ah
– Ciridka oo jirran
– Infekshan ilkaha ah ama carun
– Kaankarada ilkaha
– Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
– Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
– Xasaasiyada cabburka keento
– Bakteeriyda hawo la’aanta oo ku badato afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno af-qurunka waxay ka timaadaa bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qurunka

Si loo ogaado waxa keenay af-qurunka waa in la helo lana baaro haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa wayaabaha kale ee keeni karo af-qurunka.
Sidaa darteed waxaa u baahantahay marka ugu horreyso inaad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qurunka

Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayso inta aadan jiifan iyo markiii aad ka soo kacdaba.

Hadii aad iksu aragto caalamada kale ee la socdo af-qurunka la socodsii dhakhtarkaaga.

Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.

Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaanji xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba’o una yeesho calyo.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed