Maxaa keena hammi yarida kacsiga ee dumarka, sideese loo daweeyaa?

Waa maxay hami yarida haweenka?

Dareenka kacsiga ee haweenka waa mid is bad-badalo, inuu kaco ama yaraado waxay badanaa la xiriirtaa xiriirka ka dhaxeeyo iyada iyo lamaanaheeda ama isbadallada waaweyn ee ku dhaca nolosheeda sida: uurka, dhalmo-deyska iyo xanuunnada.

Haddii hami yari ay dhib kugu heyso waxaa ku saacidi karo in aad badasho nolol maalmeedkaaga iyo qaabka aad adiga iyo lamaanahaaga aad u raaxaysataan. daawooyinka qaar waa laga yaabaa in ay wax kaa taraan.

Calaamado:

calaamadaha ugu muhiimsan eel agu garto dhibaatadaan ayaa ah in haweentu aysan wax rabitaan ah aysan muujin, diraasad la sameeyay waxay sheegtay boqolkii haweenba 40 ka mid ah ayaa dareemo xaaladaan waqti ka mid ah nolosheeda. kuwa dhibaatadaan ay ku raagto waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeyso 5 illaa 15%.

Inkastoo markii arrimahaan laga hadlayo aaanan la isku waafiqi karin wixii dabiici ah iyo waxaan dabiici ahayn, qofba si ayuu u arkaa hami yarida, waxaa laga yaabaa haddii haweentaada aad ka sheeganaysid hami yari in iyadane ay kaa sheeganayo kacsi badan.

kala fikir duwanaashahaas ayaa keeni karo niyadjab iyo welwel laakiin waxay khubarada sheegaan haddii hamigiinna uu ka yaraado sidii hore waxay calaamad u tahay in xiriirkiinna uu xoogeystay.

Midda kale haweenka isku mid maahan sida uu eebbe uu abuuray oo way ku kala duwanyihiin arrintaan.
Waxay haweentu u baahantahay takhtar in ay aragto haddii iyadu ay dareento in hammigeeda uu yaraadaya ama sidii ay ahaan jirtay ay wax iska badaleen.

Maxaa keeno?

Rabitaanka haweentu wuxuu ku dhisanyahay arrimo dhowr ah oo aan kala dhex bixi karin sida caafimaad jir ahaan, caafimaad nafsaani ah, khibradeeda, waxyaabaha ay rumaysantahay, qaab nolol maalmeedkeeda iyo heerka hadda uu marayo xiriirka ka dhaxeeyo iyada seygeeda.

Haddii aan kala qaado arrimahaas:

A- Xanuun jir ahaan:

• Dhibaato xagga galmada ah: tusaale ahaan haddii haweentu ay dareemeyso xanuun xilliga galmada “Dyspareunia” am ama aysan awood u laheyn in ay biyo-baxdo “Anorgasmia” taasi waxay caqabad wayn ku noqon kartaa dareenkeeda iyo rabitaankeeda labadaba.

• Cudurro: xanuunno badan ayaa keeno in ay yareeyaan dareenka haweenka sida dhiig-yarida, nafaqo-darrida, lafo-xanuunka, kansarka, sonkorowga, dhiig-karka, cudurrada wadnaha iyo cudurrada neerfaha ku dhaco intaba.

Dhalmola’aanta iyadane waxay keentaa in ay yareyso rabitaanka iyo dareenka kacsiga.

• Daawooyin: daawooyin badan ayaa keeno hami yarida sida daawooyinka niyad-jabka, daawooinka dhiig-karka, daawooyinka kansarka oo iyagane caan ku ah in ay keenaan dhibaatadaan iyo daawooyinka allerjiga loo isticmaalo sida sanboorka, neefta iyo xajiinta ee “Antihistamines”.

• Daroogada iyo Khamarada: iyagane waxay leeyihiin dhibaato hawlagab kacsi
• Qalliin: qalliimada lagu sameeyo naasaha ama xubnaha taranka sida haweenkeenna oo badanaaba oo iska guba hoosta taaso oo ah mid qaldan iyadane waxay yareysaa himada

• Daalka: Haweenta oo ku daasho xanaaneynta qof da’ah ama caruur badan ama shaqaale ah waxay ka qeyb qaadataa in ay yareyso rabitaanka iyo himada.

B: Isbedel hormoonnada ah:

Isbedel ku yimaado heerarka hormoonnada haweentu waxay saameysaa rabitaankeeda.

• Xilliga dhalmodeyska: hormoonka Istorojiinka hadduu yaraado wuxuu keenaa in dareenka iyo rabitaanka kacsiga uu yaraado. hormoonka kale ee testosterone isagane hadduu yaraado wuu keenaa dhibaatadaan.

• Nuujinta iyo Uurka: hormoonnada way is badalaan xiliga nuujinta iyo uurka taasne waxay keentaa in rabitaanka iyo dareenka uu yaraado

C: Xanuun nafsi ah:

waxaa jiro cudurro badan oo nafsaani ah oo saameeyo caadifadda haweenka taasoo saameyn wayn ku leh rabitaanka iyo dareenka kacsiga waxaa ka mid ah xanuunnadaas: welwelka, diiqada, niyad jabka, fikir la xiriiro shaqada ama xag dhaqaale, muuqaalka jirkeeda oo aysan ku faraxsanayn, taariikh hore oo dhibaato jir loo geystay, fara-xumeyn ama kufsi.

D: Arrimo la xiriiro wada noolaanshaha:

Haddii xiriir xumo uu jiro iyada iyo lamaanaheeda, haddii mushkilad ama dagaal uu ka jiro guriga, haddii wada-xiriirka ku saabsan baahida galmada ananan laga wda hadlin ama aanan la isla fahansaneyn, haddii shaki iyo masayr meesha yallo intaas waxay saameeyaan wada noolaanshaha, taasne waxay keentaa in rabitaan uu imaan waayo meeshaas.

Sidee loo daaweeyaa?

• Badal nolol-maalmeedkaaga: samey jimicsi, iska yarey welwelka, noqo qof faraxsan, adkey murqahaaga miskaha adigoo sameeya jimicsiga “Kegel”.

• Badal xiriirka iyo wada noolaansha idinka dhaxeeyo adigoo xalliyo khilaafaadka ka jira dhexdiinna, isku noqdo kuwo daacad isku ah oo ka wada hadlo arrimo kasta oo dhex-yaalla, midkiinna kan kale ha uga sheekeyo waxay uu jecelyahay iyo waxa uusan jecleyn.

Raadi la talin ku aadan arrimahiinna haddii ay jiraan qof aad labadiinnaba ku kalsoon tihiin oo khibrad u leh arrimahaan.
Waqti yaanan loo yeeli xilliga aad is damceysaan maxaa yeelay tan waxay nolosha ka dhigeysaa mid caajis badan.

Aqoon dheeraad ah u yeelo noloshiinna galmood iyo sida aad uga faaieysan kartaan fursadaha jira, tusaale ahaan akhrista buugaagta ka hadasha arrimahaan la xiriira guurka iyo wada-noolaanshaha.

• Daawooyin ayaa jira kaa caawin kara arintaan taasoo marka ugu horeyso qasab ay tahay in meesha laga saaro haddii uu jirod cudur kaa hortaagan rabitaankaaga iyo himadaada sida aan kor ku soo xusnayba.

Haddi aadan qabin cudur jir ahaaneed ama nafsaani ah labadaba oo kuu keenay dhibaatadaan wuxuu dhakhtarkaaga kuu qori doonaa daawooyin sare u qaada hormoonnadaada khaas ahaan kuwa aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Testosterone.

Is caawin iyo Is gacan-qabasho:

Haddii kacsiga uu yaraado qof ka mid ah labadiinna waa wax la fahmi karo in dhigga kale uu dareemo murugo ama uu dhibsado nolosha, sidaa awgeed waxaa talo ahaan idin siinayaa in aad xoogga saartaan sidii aad sare ugu qaadi laheedeen kalgacalkiinna iyo xiriirkiinna taasoo ugu dambeyntii saameyn weyn ku yeelan karto rabitaankiinna galmood, isku day in aadan fikirkaaga badankiisa aadan saarin galmo iyo wax la xiriira toona, ku dadaal in aad nafaqyso oo koolkooliso xiriirkiinna idinkoo qaab noloshiinna wax yar ka badala oo ka baxa rootiinka.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.