Maxaa kusoo kordhay kuankii Villa Somalia uga socda Kheyre, wasiirada iyo xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka bilowday kulamo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Kheyre, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada la horgeyn doono BFS.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu Wasiirada la kulansiinayo Xildhibaanada qaar, waxa ayna si wada jira uga dalbanayaan in la meelmariyo Golaha Wasiirada.

Kheyre ayaa Xildhibaanada usoo bandhigay inaysan muran iyo diidmo ka muujin Wasiirada laga doonaayo inay meelmariyaan waxa uuna meesha ka saaray in Wasiirada cusub ay ku jiraan kuwo uu kusoo xushay qabiil.

Nuqulada haddalka Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa ”Anigu Wasiirada kuma soocanin qabiil ama aqoon yari waxaan kusoo xushay howl-karnimo, waxaan doonayaa inaad meelmarisaan Wasiirada sababtoo ah lama joogo xiliga aan caqabad ku noqon laheyn horumarka”

”Waxaan idinka doonayaa Xildhibaano inaad ka fekertaan aayahay dalka iyo dadka, waxaan idiin ballanqaadayaa in Wasiiradaani ay noqon doonaan kuwo ka fog musuqa iyo howlgudasho la’aanta, si loo gaaro arrimahaasi waxaan dalbanayaa in la meelmariyo Wasiirada”

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa qeyb qeyb u qaabilaaya Xildhibaanada, waxaana lasoo sheegayaa in kulanka hadda socda uu ka duwan yahay kuwii hore, waxaana kulankaani madasha xaadir ku ah Wasiirada.

Kheyre waxa uu sidoo kale, Wasiirada qudhooda ku cadaadinayaa in isla goobta ay kula hadlaan Xildhibaanada si ay usii sahlanaato meelmarintooda.

Xildhibaanada ugu badan ee uu maanta la kulmaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u badan garabka Mucaaradka ku ah Wasiirada Cusub.

Geesta kale, waxaa hadda la saadalinayaa in Xildhibaanada mucaaradka ee la kulmaaya Kheyre ay ku qancayaan Wasiirada la horfadhiisiyay ka hor inta aysan isku arkin Xarunta BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com