Maxaa kusoo kordhay mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya tirada xildhibaanada baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee doonaya inay xilka ka qaadaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Inka badan 100 xildhibaan ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Xildhibaan Axmed Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee awqaafka iyo arimaha diinta Koofur Galbeed ayaa sheegay inay  meel wanaagsan marayaan qorshaha ay xilka kaga qaadayaan.

Wasiirkii hore ayaa sheegay in 149 xildhibaan ay diyaar u yihiin mooshinka, laakiin ay jiraan xildhibaano kale oo doonaya inay dhaqaalo ka cunaan Shariif Xasan kuwaasi oo uu sheegay inay qiyaano ku wadaan.

Xildhibaan Axmed Maxamed, wuxuu sheegay in xildhibaanada aysan qaadan muddooyinkii ugu dambeeyay wax mushaar ah, taasina ay sii kordhisay qorshaha ay ku doonayeen iney xilka kaga qaadaan Shariif Xasan.

Xildhibaanada ayuu sheegay inay la xisaabtamaan Shariif Xasan, waxayna ku eedeynayan inuu ku fashilmay wax ka qabashada howlaha laga doonayay.

Shariif Xasan ayaa ka gaabsaday hadalada ay xildhibaanada ku sheegayaan inay xilka ka qaadayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com