Maxaa kusoo kordhay xaalada guud ee deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka ay tahay mid degan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in deegaanka Abal ay si buuxa ugu sugan yihiin dagaalyahaanada taabacsan wadaadka Mukhtaar Roobow oo deegaan ahaan halkaa ka arrimiya.

Dagaalyahaanada Mukhtaar Roobow ayaa ku sugan dhufeysyada ay ku leeyihiin deegaanka Abal, waxaana sidoo kale ay wadaan baaritaano iyo gaaf meer lagu xaqiijinaayo dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa ku sugan deegaano ku dhow dhow deegaanka Abal oo aanu ku sugneyn dagaalyahaanada daacada u ah Roobow.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay mararka qaar ridayaan rasaas xoogan oo ay ku muujinayaan in weli ay ku sugan yihiin dhufeysyada ay ku leeyihiin deegaanada ku dhow dhow deegaanka Abal.

Sidoo kale, dagaalyahaanada taabacsan Mukhtaar Roobow ee gacanta ku haya amniga deegaanka Abal ayaa mamnuucay dhammaan isku socodka gaadiidka, inta lagu guda jiro xiisada taagan.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa mar waliba filanaaya dagaal dib u qarxa, maadaama ay isku muuqdaan labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

SHARE