Maxaa la gudboon xildhibaanada baarlamanka cusub ee la aaminay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan dalka uu ka dhaco doorasho lagu xulan doona Madaxweynaha cusub ee dalka hogaamin doona 4-sano ee soo socta.

Musharaxiintaani oo tiradooda ay sii kordheyso ayaa waxaa ku jira kuwo aan wali Codadka weydiisan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Musharaxiinta qaar ayaa la xaqiijiyay in iminkaba ay heystaan codad aad u farabadan kuwaa oo baadi-goob ugu jira codad dheeri ah.

Go’aanka lagu dooranaayo Madaxweynaha cusub ayaa ku jira gacanta Xildhibaanada Somalia, kuwaasi oo ku kala aragti duwan hanaanka Doorashada.

Xildhibaanada dalka ayaa la rumeysan yahay in dalka Somalia ay dhigikaraan meel xun iyo meel wanaagsan maadaama ay iyagu dooran doonaan shaqsiga Hogaamin Doona Somalia.

Xildhibaanada ayaa isugu jira laba qeyb oo kala aaminsan Xisbiyo iyo qabiil, waxaana suuragal noqonkarta in Madaxweynaha la dooran doono uu noqon doono mid lagu doortay qabiil ama Xisbi.

Xildhibaanada dalka ayaa looga fadhiyaan in dalka ay u xulaan Madaxweyne dhan waliba ka dhameystiran isla markaana ka fog dhammaan calaamadaha muujnkara faqriga iyo baahiyaha ku aadan dhaqaale uruursiga.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa Xildhibaanada uga fadhiya inay xulaan Madaxweyne Caadil ah, waxaana la gudboon inay ka fekeraan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com