Maxaa laga damacsan yahay email-ka cusub ee u dhexeen doona Kheyre iyo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa soo bandhigay Email la sheegay inay kuwada xiriiri doonaan Ra’isul wasaaraha iyo Shacabka.

Emailkani cusub ayaa waxaa la sheegay in fariimaha lagu diro ay si toosa u gaarayaan Ra’isul wasaare Kheyre maadaama uu aad u yaryahay kulanka Shacabka iyo Ra’isul wasaaraha.

Email-kan oo cinwaankiisu yahay fariimaha@opm.gov.so ayaa noqon doona cinwaan lagu diro fariimaha ay bulshada la wadaageyso Ra’iisul Wasaaraha.

”Waxaan doonayaa inaan shacabka la wadaago aragtidooda si aan u helno talooyinka iyo fikraddaha shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta uu Kheyre ku leeyahay Twitter-ka.

Kheyre ayaa Emailka u sameeyay si uu u helo dhibaatooyinka ay shacabka ka cawanayaan balse aan isaga la gaarsiin lagana qariyo.

Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in qoraalada loo soo marin doono Emailka ay waxbadan ka bedeli doonto shaqadiisa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com