Maxaa laga filan karaa gudoomiyaha maxkamada sare ee Gal-Mudug oo maanta Cadaado tagay

Muqdisho (Caasimadda Online): Xaaladda Gal-Mudug wali dhinac uma dhicin waxaana ay wali joogtaa is mari waa siyaasadeed, dhowaan maxkamadda sare ee Gal-Mudug ayaa u yeertay tiro xildhibaano ah oo lagu eedeeyay iney sharciga ku xad gudbeen.

Yaxye Shiikh Cali Maxamed gudoomiyaha maxkamadda sare ee Gal-Mudug ayaa tagay maanta magaaladda Cadaado waxaana uu wariyaasha u sheegay in xaaladda Gal-Mudug la waafajin doono sharciga, halkaas waxaa ka muuqata iney suurto gal tahay in saddexda masuul ee ugu sareeysa maamulka ay ku kala bixi doonaan sharciga.

Dadka qaar ayaa shaki galinaya dhex dhexaadnimadda Yaxye Shiikh Cali Maxamed oo loo arko inuu dhinaca madaxweyne Xaaf u badan yahay, hadii ay taasi dhacdo waxaa shaki gali doonta darajadda uu sheeganayo madaama ay jagadiisu tahay mid garsoor oo u baahan dhex dhexaadnimo iyo xilkasnimo.

Galmudug wixii ka dhacay asbuucan waxaa lagu qeexi karaa fowdo siyaasadeed.

Xildhibaano iska soo horjeeda ayaa qoloba markeeda ku dhawaaqday xil ka qaadis, Mr Yaxye gudoomiyaha maxkanadda sare ee Gal-Mudug ayaa looga fadhiyaa inuu xaalad cadaaladi ka dhex muuqato ku wajaho arinta.

Dadka arinta Gal-Mudug aadka ula socda ayaa sheegaya in madaama ay xildhibaanadii meesha tagay waxba xalin waayeen ay hadda suuro gal tahay in ragga meesha isku haya ay xaga sharciga isla aadaan.

Dowladda Somalia ayaa wali ka aamusan xaaladda Gal-Mudug inkastoo warar qaar ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu doonaayo in wax walba wanaag iyo sharci lagu xaliyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa maanta ka sheegay xaflad ka dhacday Muqdisho in meesha ay Somalia u socoto aan lagu gaari karin koox koox iyo qabiil qabiil balse lagu gaari karo midnimo iyo iskaashi.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com