Maxaa Muqdsiho loola yaabaa, Haddii New York ayba sidan tahay?

Haddaad mar walba la yaabaneyd waxa Muqdisho xabadda iyo rabashadaha daba dhigay, waxaa la yaab leh in magaallooyin la moodo kuwa amni ah ay iyaguna dhibkooda qabaan.

Markii ugu horeysay taariikhda la xusuusto, ayaa magaalada ugu weyn dalka Mareykanka ee New York, waxaa soo martay maalin aysan ka dhicin wax dambi rabshado ah.

Afhayeen u hadlay waaxda Booliiska magaalada ayaa sheegay in Isniintii ( 26-ka November), ay ahayd maalintii ugu horeysay taariikhda la og yahay oo uusan wax dhiig ah ku daadan magaalada.

Ma jirin qof la dilay, toogasho dhacday, mindiyeyn ama dhacdo kale oo rabshad ah oo ka dhacday New York isniintii tagtay.

Inkasta oo bishii July ay dilalka cirka isku shareereen, ayaa haddana magaalada waxa ay rajeeneysaa in sanadkan uu noqdo kii ugu dilalka yaraa, tan iyo 1960-kii.

Xagaagii lasoo dhaafay waxaa lagu naaneesay “Summer of blood” (Xagaagii dhiiga”, sababo la xiriira sida dilalka ay u kordheen darteed.
Rabshadaha waxa ay sare uga kaceen magaalada 3%.

Hase yeeshee, dilalka ayaa hoos u dhacay 23%, mark loo eego sanadii tagtay, taasi oo ah heerkii ugu hooseeyay muddo ka badan 50 sano.
366 qof ayaa lagu dilay magaalada New York sandkan, oo weli ay bil ka harsan tahay, taasi oo ah war wanaagsan, marka loo eego sanaddii tagtay oo la dilay 472 qof.

Magaalada New York waxaa ku nool 8 milyan oo qof.

W/Q: Ahmed Ali Sheikh