Maxaa u sabab ah in DF ay garoonka iyo dekadda ku xanibto deeq dawo ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dekadaha iyo Garoonka magaalada Muqdisho ay ku xaniban yihii Diyaarado iyo Maraakiib sida Dawooyin gurmad ah.

Diyaaradaha iyo Maraakiibta sida dawooyinka ayaa la xaqiijiyay inay u raran yihiin Hay’ado gaara oo caawiya Somalia, kuwaa oo ka qeybqaadanaaya gurmadka khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Dalxa oo kamid ah mudanayaasha BFS ahna Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka iyo Dekadaha baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in dawooyinkaasi ay ku xaniban yihiin Dekada iyo Garoonka weyn ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay inaan suuragal aheyn in xiligaani xanibaad lagu sameeyo dawooyin loo soo raray Somalia ee lagu dabiibaayo bukaanada ku jira isbitaalada Muqdisho ee waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Waxa uu Xildhibaan Dalxa sababta xanibaada ku sheegay in deysmadooda lagu xujeeyay bixinta lacago farabadan oo aysan awoodin, maadaama ay dawadu tahay mid u socta shacabka ay waxyeeladu soo gaartay.

Dalxa ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ugu baaqay in il gaara lagu eego dawooyinka gurmadka ah ee ku xaniban Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, si looga faa’iideysto maadaama lagu guda jiro wakhti loo baahan yahay.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay gurmad dawo oo loogu deeqaayay dowlada si ay uga faa’iideyso bukaanada ku jira Isbitaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com