Maxaabiis ku dhex geeriyootay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen Maxaabiis ku jiray.

Maxaabiista ku dhimatay Xabsiga ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa laba Maxbuus, kuwaa oo sababsaday cudurka shuban biyoodka.

Cudurkani ayaa waxaa sidoo kale la il daran ilaa 8 Maxbuus oo kale kuwaa oo ku jira Xabsiga Dhexe, waxaana laga cabsi qabaa inay sababsadan cudurka.

Maxaabiista kale ee la il daran cudurka ayaa la dhigay goob caafimaad oo laga hirgeliyay gudaha xabsiga.

Geerida iyo Xanuunka Maxaabiista ayaa waxaa xaqiijiyay Taliyaha Xabsiga Dhexe oo sheegay in labada marxuum la aasay, halka kuwa xanuunsana la dabiibaayo.

Waxaa uu sheegay in intii uu socday gurmadkii iyo daaweyntii loo fidinayay ay labo ka mid ah u dhinteen, isagoo xusay in tooda ay dhamaatay.

Talaabadani ayaa imaaneysa xili Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay ku jiraan boqolaal maxaabiis waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com