Maxaadan ogeyn oo iminka ka dhex socda Xarunta Golaha Shacabka ?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu iminka shir gaara uga socdo Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ee uu shirka u socdo ayaa waxa uu shirkooda ku saleysan yahay hanaanka loo maamuli lahaa Doorashada la filaayo in goordhow ay dhacdo.

Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale isla eegaya qaabka loo kala maareyn lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo markii ugu horeysay codeyn doona.

Guddiga ayaa sidoo kale gudaha xarunta ku diyaarinaaya qodobo yar yar oo lagu kala xakameyn doono Xildhibaanada aan horay u codeyn misna ku cusub Baarlamaanka.

Guddiga ayaa si aad ah uga taxadaraaya in Xildhibaanada codeyneysa ay ku kacaan fal gacan ka hadal ah, maadaama xiliga lagu jiro uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxaana lagu wadaa in Doorashada ay gaarto ilaa Seddeed Saac oo hadda dhiman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com