Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay ololaha doorshada ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho aad looga hadal hayaa doorashada maalinta beri ah la filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Goobaha dadweynaha ku kulmaan ayaa waxaa aad looga sheekeysanayaan musharaxnimada Jawaari iyo Xidig oo aad moodo inay dad badan oo musharixiin madaxweyne ah quusin doonto.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana arkeysaa ciidamo badan oo dhex wareegaya magaalada Muqdisho si ay amaanka u xaqiijiyaan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa laga dareemayaa inay diyaar garow balaaran ugu jiraan doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa xalay ilaa saaka ka socdo hoteelada magaalada Muqdisho kala xod xodasho lagu sameynayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayaa dhacay tan iyo xalay. waxaana musharixiinta ay doonayaan inay helaan xilka guddoonka baarlamaanka.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaya dhaqaalaha badan ee la siinayo xildhibaanada, halka qaarkood balanqaadyo dheeri ah loo sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com