Maxaadan Ogeyn oo ku soo kordhay waddooyinka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Onlune) – Waxaa saaka inta badan xiran wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinkaasi lagu daadiyay ciidamo badan.

Waddooyinka oo markii horaba dhibaato ay ku qabeen shacabka ayaa haddana waxaa saaka loogu daray in laga sii xero waddooyin cusub.

Laga soo bilaabo isgoyska JUbba ilaa madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka gabi ahaanba la xiray, sidoo kale waddada hormarta Dekada ee tagta Km4 ayaa la xiray.

Dadweynaha kaliya ayaa loo ogol yahay iney lugtooda adeegsadaan, waxaase waddada si xawaare dheereysa ku maraya gaadiidka dowlada.

Gaadiidka dadweynaha ayaa gabi ahaanba loo diiday iney waddooyinkaasi maraan.

Walow maanta ku beegan tahay 20-ka December oo ah 73-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliska Somaliya, ayaa munaasabad weyn oo loogu dabaaldegaayo waxay ka dhaceysaa Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com