Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacaya Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Muqdisho in lagu qabto banaanbax lagu taageerayo liiska golaha wasiirada cusub oo uu shalay soo magacaabay ra’iisul wasaaraha dalka.

Banaanbaxaasi ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiin kala duwan, waxaana lagu taageerayaa dhismaha golaha wasiirada cusub ee shalay lagu dhawaaqay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in banaanbaxa uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka dhacayaa taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida iyo booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka soo gala taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maadaama qorshaha uu yahay in madax kala duwan ay ka qeyb galaan.

Dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay isku soo aruuriyeen maamulada Degmooyinka ayaa la filayaa inay ka qayb galaan bannaanbaxaasi, goor dhaw la qorsheynaayo inuu ka biloowdo Daljirka Daahsoon.

Waa bannaanbixii ugu horeeyay ee taageero loogu muujinaayo Xukuumadda magacaaban ee weli sugeysa codka kalsoonida Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Banaanbaxa wuxuu imaanayaa iyadoo xildhibaano qaar oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ay ka hor yimaadeen liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda Koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com