Maxaadan ogeyn oo uu Hogaamiyihii hore ee Hirshabeelle kawadaa magaalada Beledweyne

Baladweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul siyaasadeed ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabelle.

Abaabulka siyaasadeed ee ka socda magaalada Beledweyne ayaa waxaa horboodaya Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wararku waxa ay sheegayaan in abaabulkaasi ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan kuwaa oo garab u ah Cosoble.

Waxaa abaabulka siyaasadeed ee looga soo horjeedo Hogaamiyaha cusub ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, kaalin mug leh ka qaadanaaya Ganacsato caan ka ah magaalada Beledweyne kuwaa oo dusha saartay bixinta kharashaadka ku baxaaya abaabulka.

Cosoble ayaa qorsheynaaya abaabulka kacdoon looga soo horjeeda maamulka cusub ee Waare, waxa uuna sidoo kale kaashanayaa Ugaaska Beesha Xawaadle, sida laga soo xigtay dhinacyada aan xogta la wadaagnay.

Cosoble ayaa wadahadal ku doonaaya qaboojinta kacdoon Siyaasadeedka ka dhanka ah Hogaamiye Waare iyo maamulkiisa.

Ma cadda waxa uu noqon doono mirro dhalka kacdoonka uu abaabulkiisu leeyahay Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Caasimada Online

Xafiiska Baladweyne

Caasimada@live.com