MAXAAN ka faa’iidnay FEDERAALKA?

Laga soo bilaabo sanadkii 2004 oo aheyd markii deegaanka Embagati ee Dalka Kenya lagu unkay dowladii Federalka Ku meel gaarka aheyd ee uu Hogaaminayay Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasoo ku timid abaabul ay waday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya ee Dariska la ah Soomaaliya Dowladaas oo lagu unkay Nidaamka Federaaliga kaasoo noqday wado ay qaadeen dowladihii ka danbeeyay ee ay ugu horeysay Dowladii KMG aheyd ee lagu dhisay Jabuuti Sanadkii 2009 ,taasoo ay ku bahoobeen xubnihii Dowladii KMG aheyd ee TFG iyo dhinacii Mucaaradka Saldhigoodu ahaa Asmara Eritrea ee la magac baxay Ururka dib u Xoreynta Soomaaliya oo uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed kaasoo loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya.

Haddaba maadaama aan ogaanay sida uu nidaamka Federaalka kusoo galay Soomaalida ,waxaa muhiim ah in aan ogaano waa maxay Federaal?

Federaal waxaa lagu magacaabaa Nidaam Dowladeed ay isku maamulaan Gobolo balse hoos yimaada Dowladda dalkaasi ka jirta oo lagu magacabo Dowladda Dhexe taasoo siyaasad ahaan hogaamisa dalka,balse arimaha gudaha aan ku faragelin Dowlad Goboleedyada maadaama nidaamka Federaaliga uu qabo in Dowlad Goboleed kasta uu xaq u leeyahay in dadkiisu ay doortaan Madaxda hoggaamineysa ayna qeybsadaan Golaha deegaanka ama Xildhibaanada sidii ay ku heshiiyaan ama uu qorayo Dastuurka dalka ee lagu heshiiyay.

Hadaan abaarno ujeedada Qormada oo ah Maxaan ka faa,iidnay federaalka Soomaali ahaan ,mase ku haboontahay soomaaliya iyo Soomaalidu in ay qaataan nidaamka federaaliga?

Dad Badan oo Soomaali ah iyo kuwo kale la socda arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya waxay aaminsanyihiin in Nidaamka federaaliga uusan ku habooneyn Soomaaliya,isla markaana u keenayo kala fogaasho iyo qeybin Siyaasadeed,mid dhaqan iyo Mid Dhaqaalo, maadaama Federaalka loogu tala galay dalalka Leh Qowmiyado iyo Diimo kala duwan oo fara badan.

Sida aan wada oganahay Dalka Soomaaliya, waa dal Baaxad ahaan aan sidaa usii weyneyn ,isla markaana ay ku noolyihiin dad ku wada hadla hal luqad oo ah Afka Soomaaliga isla markaana heysta diinta islaamka ,hadana aan kusii kala duwaneyn oo aan aheyn Shiico iyo Sunno ,balse ah Sunni dhamaantood,taasoo muujineysa in Soomaalidu ay isku dhaqan yihiin ,isla markaana uusan dhib ka taagneyn isla noolaashadooda, waxaana taa Cadeyn u ah, Soomaalida oo ku barakacay Gudaha dalka isla markaana isla degay oo is dhex gal aad u fiican yeeshay, isla markaana leh iskaashi Ganacsi iyo mid dhaqan ,iyagoo xitaa iska guursada oo xidid noqda,iyagoo qofka ka yimid koofurta Fog ee Soomaaliya lagu arkayo isagoo si caadi ah ugu nool Bariga fog iyo Galbeedka Xeebaha badda Cas ama Gobolada Bari iyo Waqooyiga Soomaaliya wax dhibaato ahna aan ku qabin Nolosha .

waxaa kaloo jirta in Nidaamka Federaalka aysan Soomaalidu dhameyn oo aan lagu ansixin cod qaadid,waxaana saxiixay dad u badan Dagaal oogayaashii Soomaaliya iyo qaar kale oo aan fahansaneyn waxa uu yahay Federalisim ama Nidaamka Federaalka waxaana la sheegaa in dadkaasi ay ku jireen kuwo aan Magacooda qori Karin iska daa in ay wax aqriyaan oo ay fahmaane.

Hadaan eegno ififaalaha ka muuqanaya Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya isla markaana aan si taxadir leh u dhuuxno Mirihiisa, waxaan arkeynaa in Madaxda ismaamul goboleedyada qaar ay kasoo yeerayaan erayo aan ku bishaareynin kheyr isla markaana muujinaya Midnimo la,aan iyo Qeybin Jaceyl,waxaana ka mid ah erayada har iyo habeen kasoo yeeraya Madaxweynaha Maamul goboleedka la magax baxay Puntland ee ka arimiya Gobolada bari ee Soomaaliya C/Raxmaan Faroole isagoo dhowr jeer ku hanjabay in uu ka baxayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud in uu jabiyay Dastuurkii lagu heshiiyay, isagoo ka careysnaa Shirkii deeqda loogu uruurinayay ee ka Dhacay London uuna marti gelinayay Ra,iisul Wasaaraha Britian Mr.David Cameron ,waxaan warar hoose ay sheegayeen in Faroole uu si gaar ah uga carooday in aan shirkaasi looga qeyb gelin Xubin ka socda Puntland ,isla markaana Saluugay qaabka loo maamuli doono lacagaha Soomaaliya loogu Deeqay Shirkaasi oo aheyd Balaayiin Dolarka Mareykanka.

Marka la eego cawaaqibka ay keeni karaan Hadalada mas,uuliyadda aysan ku dheehneyn ee kasoo baxaya Horboodayaasha ismaamul Goboleedyada qaar waxay calaamad u yihiin in ay mustaqbalka in imaan karto Burbur ku yimaada midnimada Soomaaliya iyo in Maamul kasta uu dhinac u goosto Gobolka uu ka taliyo.

Waxaa kaloo qalad siyaasadeed ah in dalku yeesho Madaxweynayaal badan,waxaa haboon in Madaxa Maamul Goboleedka uu u shaqeeyo sida Gudoomiye gobol oo kale isla markaana loo aqoonsado Maamul hoosaad ka arimiya gobol isla markaana aan loogu yeerin Madaxweyne maadaama ay ku dhalineyso isla weyni iyo amar ku taagleyn, eedaas waxaa qeyb weyn ka qaadanaya Saxaafadda oo buunbuunisa mid kasta oo gobol yar ka sheegta maamul,iyagoo Wararka ciwaan uga dhiga MADAXWEYNAHA MAAMULKA HEBEL AYAA SHEEGAY SIDAAS IYO SIDAAS ,taasoo ku dhiira gelisa in uu Mar kasta Qabto Shir saxaafadeed si uu u galo ciwaanada Wararka.

Gabagabadii waxaa lagama maarmaan ah Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya,waxaana mudan in laga eego xalka Soomaaliya waxa ay
wadaagaan Soomaalidu ee aan loosoo safrin fikiro ka yimaada qaarado fog fog ,kuwaasoo aan reebi doonin cawaaqib lagu Mahdiyo.

Soomaaliya waa Mid ,waa Xidid iyo walaalo ku wada abtirsada Samaale, isla markaana ku hadla 1 Luqad,oo heysta Diinta islaamka, iyo
dhaqanka Soo jireenka suuban ee Soomaaliyeed, waa in aan la qeybin ee leysu keeno ,waana in Soomaalidu dib uga fikirtaa Nidaamka Federalka.

Waxaa Xaqiid ah in Soomaalidu aysan waxba ka faa,iidin Federaalka, balse ay kusii kala tagayaan , Soomaalidu isuguma imaan karaan wax aan ka aheyn Sharciga islaamka iyo Dhaqankii xeer beegtida ee geedka hoostiis lagu goyn jiray garta.

W/Q: Bashiir Moh,ed ( Saadaal)
Mogadishu-Somalia
Email:mr.bashiir088@gmail.com