Maxamed Binu Salman: Awoodda qayaxan ee boqortooyada Sucuudiga

Dad yar oo banaanka ka jooga dalka Sucuudiga ayaa horey u maqlay magaca Amiir Maxamed Binu Salmaan oo ah dhaxalsugayaha boqorka dalkaas ka hor intii uusan aabihiis noqon boqorka sanadkii 2015-kii.

Amiirkan oo 32 jir ah ayaa noqday shaqsiga ugu awoodda badan ee dalka Sucuudiga oo ah kan ugu horeeya adduunka ee dhoofinta shidaalka.

Bishii June ee sanadkan ayaa loo dalacsiiyay in uu noqdo ninka leh dhaxalka boqortooyada , isaga oo xilkaas looga qaaday ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Nayef, talaabadaas oo ahayd mid loogu talogalay in lagu weeciyo dariiqa uu dalka markii hore uu ku socday.

Amiir Maxamed waxa uu dhashay 31-dii bishii Agoosto, 1985-dii, waana wiilka ugu weyn ee Boqol Salmaan, waxaana dhashay Fahdah Bintu Falax binu Suldaan.

Markii uu shahaadada koowaad ka qaatay jaamacadda Boqor Sucuud ee Riyadh ayuu ka shaqeeyay dhawr shirkadood oo ay dowladda leedahay, isaga oo markii dambe loo magacaabay in uu la taliye u noqdo aabihiis sanadkii 2009, marna waxa uu noqday barasaabka gobolka Riyaadh.

Dalacaada Maxamed waxa ay bilaabatay sanadkii 2013-kii, xiligaas oo loo magacaabay madaxa maxkamadda boqortooyada, xilkaas oo ah mid wasiirnimo, sanadkii ka horeeyay kaas Aabihiis Salmaan ayaa u dalacay darajada Dhaxalsugaha kadib dhimashadii Nayef Binu Cabducasiis oo ah aabaha Maxamed Bin Nayef oo sidoo kale booska looga qaadi doono Maxamed.

Bishii Janaayo 2015-kii waxaa dhintay Boqor Cabdullaahi Binu Cabdicasiis, waxaan dhaxlay boqor Salmaan oo 79 jir ah.

Markiiba boqorka cusub wuxuu sameeyay go’aano aad uga yaabiyay dadkii u dhuun duleelay arrimaha Sucuudiga, waxaa ka mid ahaa in uu wiilkiisa u magacaabo wasiirka gaashaandhigga.

Talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa ahayd in uu hawlgal dagaal ku qaado dalka Yemen bishii Maarso sanadkii 2015-kii kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay soo eryeen madaxweynihii Yemen Cabdu Raboow Haadi Mansuur.

Dagaalkaasi horumar badan oo la taaban karo lagama gaarin sanadihii lasoo dhaafay, waxaana dhacday in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyay ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo in dagaalka ay ka dhalatay dhibaato bini’aadanimo.

Boqor Salmaan intii uu xilka hayay ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshe hiigsi sare ah oo loogu magacdaray Hiigsiga 2030-ka, kaas oo ujeedka yahay in marka la gaaro sanadka 2030-ka Sucuudiga uu ka maarmo ku tiirsanaanta shidaalka.

Qorshaha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in la badalo manhajka waxbarashada, dumarkana laga qeybgaliyo siyaasadda iyo qeybaha kala duwan.

Amiir Maxamed ayaa hormuud ka noqday go’doomintii lagu sameeyay dalka Qadar, iyada oo sababta lagu sheegay in Qadar ay taageerto argagixisada, eedaas oo ay Qadar diiday.

Bishii June ee sanadkan boqor Salaam ayaa si rasmi ah amiirka dhaxalka leh ugu magacaabay wiilkiisa Maxamed Salmaan, isaga oo xilka ka qaaday Maxamed Bin Nayef oo dhaxal sugaha ahaa, waxaa sidoo kale Maxamed Bin Nayef laga qaaday xilkii ahaa wasiirka arrimaha gudaha Sucuudiga.

Wixii markaas ka dambeeyay Amiir Maxamed Binu Salmaan waxa uu ku dadaalayay in uu adkaysto awoodiisa, dalkana u jiheeyo halka uu isaga doono, isaga oo qaaday talaabooyin isbadal ah oo xagga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Talaabadii koowaad ee la qaaday waxa ay ahaayeen in laga noqday dhimistii mushaaraadka iyo lacagaha gunnada ah ee la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidammada, go’aankaas oo horey loo sameeyay sanadkii 2016-kii.

Bishii Sabtembar waxaa in la baacsado dadkii loo arkay in ay kasoo horjeedaan siyaasadaha Amiirka cusub, waxaana lasoo xiray illaa 20 dad caan ah oo ay ka mid yihiin waddaado diinta faafiya kuwaas oo lala xiriiriyay ururka Ikhwaanka iyo dowladda Qadar.

Bil kadib waxaa Amiirka loo tiiriyay in uu isaga ka dambeeyay go’aankii ahaa in dumarka loo fasoxo in ay baabuurta kaxeeyaan.

Bishan waxaa iyadana dhacday in lagu dhawaaqo talaabo lagu sheegay in ay tahay la dagaalanka musuqa, waxaana la xiray afar wasiiro, 11 amiir iyo ganacsato caan ah.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah bilyan dheerka Calawiid Binu Talaal kaas oo daafaha adduunka ku leh ganacsiyo waaweyn oo uu maalgashaday.

Isha: BBC