Maxay BBC-da u qarisay dareenka xuska 26-ka June ee Awdal, Sool iyo Sanaag Bari?

Waxaa dad badan oo Somaaliya ka yaabisay sida maanta oo ah 26-ka 2017 ay BC-da af Somaaliga u qarisay dareenka xuska maalintaa ee shacabka deggen goballada waqooyi. Haddii aan dib u yara eegno taariikhdii halgankii xornimada ee gobolladaas waxay bilaabatay muddo aan ka yarayn boqol sano iyo dheeraad. Wakhtigaa dheer, waxaa isbed-bedalay ururo iyo shacab naf iyo maalba ku bixiyey sidii la isaga tuuri lahaa heeryadii gumeystaha. Waxaa ururada ka mid ahaa xisbigii USP oo ay ku midoobeeen bulshada deggen goballada Awdal, Sool iyo Sannag Bari. Waxaa kaloo  ka mid ahaa xisbigii SNL oo awood badn ku lahaa gobollada Togdheer iyo Waqooyi  Galbeed. Ku dhawaad 30 sano xornimadii  ka dib,waxaa  dhidibada loo taaagay ururkii SNM oo taageero ka haysta Hal beel oo ku kacday dawladdii kacaanka ee dalka ka talinaysay. Ururka SNM ayaa markii danbe ku dhawaaqay in waqooyi ka go’ay Soomaali inteedi kale lana magac baxay Somaliland. Waxaa arrintaa mid ka duwan qaba beelaha kale ee ku nool waqooyi oo aaminsan in midnimada Somaliya tahy lama taabtaantahay.

Intii muddo ahba waxaa daka u ololeeya gooni isu taaga Somaliland faafinayeen tariikh cusub oo ka bilaabtay markii la unkay ururka SNM. Waxay dadkasi u xusul duubeen in aan la soo hadal qaadin halgankii dheera ee dalka looga saaray gumeystihii iyo taariikhda guunka ee ay leeyihiin beelaha aan ku abtirsan SNM. Waxaa arrinta in muddo ahba waday saxaafadda gudaha Hargaysa oo ugu horeeyoTelevision-ka Horn cable.

Haddaba waxaa yaab lahayd in weriyihii BBC-da ee Hargaysa uu soo gudbiyay fikradda ay ka aaminsan yihiin reer Hargaysa xuska 26-ka June , isagoo aan waxba ka soo qaadin dareenka dadka badan ee ku nool gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ee iyagu u arka maalintaas mid qaran oo qadarin iyo maamuus mudan.  Waxay u egtahy In weriye Cige oo ah ruug caddaa xagga saxaafada Soomaalida , fahansan muhimadda dheeli tirka waraka, taxadar badan , uu iminka ku milmay fikradaha mamulka Hargaysa ama uu ka baqay  in laga daba qaato haddii uu soo hadal qaado dareenka ay qabaan beelaha degan Somaliland aan SNM-ta ahayn. Waxaa xusid mudan in VOA-da Af Somaaligga ay isla maalintaa  baahisay barnaamij dheer  oo ka hadlaya Munasabadda malintaa Xoriyadda. Waxay dadka xusuusisay murtidii Cabdullah Suldaan Timo-cadde uu ka tiriyey habeenkii calan saarka ee “Kaana Siib Kanna Saar.”

Gebo gebadii balk ka warama maxaa dhici lahaa haddii BBC ay tabiso barnaamij ay daka reer Boorama ama reeer Lascanood ku cabirayaan aragtidooda 26ka June iyo midnimada Somaliya. waxy ila tahay in qaylo dhaan iyo cabashooyin aan kala go’ lahay ay buuxin lahaayeen email-lada madaxa qaybta af-Somaaliga ee BBC. Haddaba waxay ila tahay in ciddii ay la weyn tahy maalintaa xushmada mudan  in ugu yaraan ay BBC- af Somaliga ka codsato in raali gelin laga bixiyo warkaas lagu inkiray jiritaan dadka aan ku qanacsanayn fikradaha maamulka Hargaysa ee 26 June. Sidoo kale ayan dib u dhicin warar dhinac ka rarn laga faafiyo degaankaas iyadoo la isticmaalayo idaacadda BBC.

W/Q: Yusuf A. Geele